Wararka Soomaalida
Shaqaale ajanabi ah oo lagu weeraray Barbara
Magaalada Barbara ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa lagu weeraray shaqaale ajanabi ah oo ka shaqaynayay dekadda barbara ka dib markii shaqaale kale oo Soomaali ah ay weerar kunqaadeen. Shaqaalaha ajanabiga ah ee la weeraray ayaa waxay gaarayaan 5 qof waxaana lagu weeraray maangado iyo mindiyo. Shaqaalahaas ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo culus waxaana haatan […]
Magaalada Barbara ee Maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxaa lagu weeraray shaqaale ajanabi ah oo ka shaqaynayay dekadda barbara ka dib markii shaqaale kale oo Soomaali ah ay weerar kunqaadeen.
Shaqaalaha ajanabiga ah ee la weeraray ayaa waxay gaarayaan 5 qof waxaana lagu weeraray maangado iyo mindiyo.
Shaqaalahaas ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo culus waxaana haatan lagu daweynayaa Isbitaalo ku yaala Barbara.
Shaqaalaha Soomaalida ee weeraray ajaanibkan ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii shaqaalaha ajanabig ah shaqadii shaqaalaha Soomaalida ay ka xoogeen.