Local News

Shaqsigii ka dambeeyay xogtii lagu dilay Al baqdaadi oo lagu Abaal mariyay 25 Milyan oo dollar

Published

on

Dilkii hogaamiyihii naxariis laawaha ahaa ee kooxda la baxday Khilaafada islaamka ama Daacish Abuu-Bakar Al Baqdaadi ayaa waxaa la sheegay in kaalin weyn uu ka qaatay xubin kamid ah ururka Daacish guulaha howlgalkii Maraykanka ay ka gaareen dilkii hogaamiyahaasi maalintii sabtida Abuu-Bakar Al-Baqdaadi sida maanta uu qoray Wargayska Washington Post.

Wargayska ayaa soo xigtay saddex sarkaal oo Maraykan ah iyo kuwo kale iyagoo xubnahaan cadeeyay in xubin aad ugu dhoweyd Al Baqdaadi ay soo gudbisay dhaq-dhaqaaqa safarada iyo weliba hoyga uu ku dhuumaalaysanayay hogaamiyahaasi.

Sarkaal ka mid ah saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in muhiim u aheyd howlgalkii ciidamada Maraykanka ku soo afjareen nolosha Abuu-Bakar Al baqdaadi kaa soo dhacay 26-kii October.

Wargeyska Washington Post ayaa sidoo kale warkiisa intaas ku daray in shaqsiga soo gudbisay xogta lagu dilay Al Baqdaadi iyo qoyskiisaba laga saaray magaaladii uu ku sugnaa labo cisho ka dib howlgalkii guuleystay ee Baqdaadi lagu dilay.

Ninkan soo basaasay Al Baqdaadi ayaa Wargayska Washington Post wuxuu sheegay in lagu abaal marinayo lacag dhan 25-Milyan oo dollar iyadoo horay Maraykanka u sheegay cidii soo sheegta goobta Al Baqdaadi uu ku nool yahay lagu abaal marinayo lacagtaasi 25 Milyan ee Dollar ah.

Trending

Exit mobile version