Wararka Soomaalida

Shaqsigii maanta xabsi Daa’inka lagu xukumay oo la ogaaday sababta ka dambaysa

Published

on

Ka dib markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya maanta xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal gaaraya 9 xubnood kuna eedeysan inay ka tirsan yihiin kooxda Al shabaab ayaa zubnahaasi mid kood waxaa lagu xukumay xabsi Daa’in waana nin dhalinyaro ah.

Ninkan dhalinyarada ah ee xabsi Daa’inka lagu xukumay ayaa waxaa lagu magacaabaa Axmed Cabdiqaadir Axmed Al shabaab dhaxdooda loogu yaqaano Abuu khadra sida ay xaqiijiyeen laamaha amniga ee dhalinyaradan soo xirtay.

Haddaba Wargayska Tusmotimes oo u kuur galay waxa keenay in 8 xubnood ee ninkan isku kiiska yihiin qaarna 8-sano loogu xukumay qaarna 15-sano asagana Maxkamadda ugu xukunto xabsi Daa’in ayaa waxaa inoo suura gashay in arinkan aan wax ka weydiino mid ka mid ah Saraakiisha laamaha amniga inkastoo naga codsaday in magaciisa iyo darajadiisa Ciidan midna la soo xigan haddana wuxuu nala wadaagay waxa uu kaga duwan yahay Axmed Cabdiqaadir Axmed xubanaha kale ay tahay inuu yahay nin koronto yaqaan ah kana caawin jiray dadka cillad bixinta dabka Guryaha taasoo fursad u siin jirtay inuu macluumaad badan ka helo guryo ay adkayd in Al shabaab xog ka helaan ka dibna xogtaas uu u gudbin jiray Al shabaab sidaas awgeed Axmad waxa lagu xukumay Xabsi Daa’in.

Xubnahan maanta la xukumay ayaa dhawaan waxaa laga soo kala qabtay degmooyinka qaar ee Muqdisho ka dib howlgal Ciidamada ay ka sameeyeen Degmooyinka dhalinyaradan laga soo qab qabtay iyadoo laamaha amniga ay ku socdeen xog ay ka heleen dhinaca shacabka degan meelaha dhalinyaradan laga soo qabtay sida Warbaahinta ay u sheegeen Saraakiisha howlgalkaas hogaaminaysay.

Dadkan ayaa waxaa lagu kala xukumay min 15-sano oo xabsi Ciidan ah iyo min 8-sano oo xabsi Ciidan ah iyadoo dhalinyaraas ay ka mid tahay qof haween ah laguna magacaabo Saafi Ciise Arwaax ka dib markii lagu soo eedeeyay in Al shabaab ay u qaabil sanayd in hubka uqariso una kala gudbiso soona gelin jirtay degmooyinka gobolka Banaadir.

Trending

Exit mobile version