Wararka Soomaalida
Shaqsiyaadka dacwadaha udoonta baraha bulshada oo loo hanjabay
Abshir Cumar Cabdulaahi Gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir ayaa digniin udiray shaqsiyaadka cadaaladda udoonta baraha bulshada iyadoo Kiisaskooda ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Qaranka. Wuxuuna ugu baaqay dadka noocaas ah ee arrimahaas ku howlan in ay ka waantoobaan haddii ay ka waantoobi waayaana talaabo adag oo deg deg ah ay ka qaadi doonaan. Abshir Cumar […]
Abshir Cumar Cabdulaahi Gudoomiyaha Maxkamadda racfaanka Gobolka Banaadir ayaa digniin udiray shaqsiyaadka cadaaladda udoonta baraha bulshada iyadoo Kiisaskooda ay gacanta ku hayaan Maxkamadaha Qaranka.
Wuxuuna ugu baaqay dadka noocaas ah ee arrimahaas ku howlan in ay ka waantoobaan haddii ay ka waantoobi waayaana talaabo adag oo deg deg ah ay ka qaadi doonaan.
Abshir Cumar Cabdulaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho xili uu dhinac fadhiyay Gudoomiyaha Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in cidii arintaas lagu ku cadaato ciqaab lagu soo oogi doono si wax looga weydiiyo sababta ku kaliftay in Sumcad dil uu ku sameeyo hay’adaha Garsoorka dalka.
Dadka baraha Bulshada soo dhiga Kiisaskooda ay geeyeen Garsoorka ayuu tilmaamay Gudoomiye Abshir Cumar in meel la iska dhigi doono Gal dacwadeedkooda, maadaama ay ku kaceen fal wax u dhimaya sumcada Garsoorka Soomaaliya.
Si kastaba ha,ahaatee todobaadyadii ugu dambeeyey ayaa waxaa baraha Bulshada qabsaday Kiisas la xariira dad sheegtay in wax cadaalad ah ka heli waayeen Hoggaanka Garsoorka dalka kiisaskoodana si fudud loogu xaliyey markii ay ku soo bandhigeen baraha bulshada gaar ahaan aaladda Facebook.