Wararka Soomaalida

Shariif iyo francisco oo ka wada hadlay xaalada Soomaaliya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ugu tagay Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Ambassador Francisco Madeira iyagoo ka wada hadlay arrimaha Siyaasadda iyo amaanka ee Soomaaliya iyo doorashada lagu wado inay ka qabsoonto Soomaaliya sanadka 2021ka nooca ay noqon karto. Shariif Sheek Axmed ayaa warbixin kooban kuna saabsan siyaasadda Soomaaliya siiyey […]

Published

on

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif sheekh Axmed ayaa maanta xafiiskiisa ugu tagay Wakiilka Midowga Africa ee AMISOM Ambassador Francisco Madeira iyagoo ka wada hadlay arrimaha Siyaasadda iyo amaanka ee Soomaaliya iyo doorashada lagu wado inay ka qabsoonto Soomaaliya sanadka 2021ka nooca ay noqon karto.

Shariif Sheek Axmed ayaa warbixin kooban kuna saabsan siyaasadda Soomaaliya siiyey Ambassador Francisco Madeira iyo sidoo kale inuu yahay musharax markale tijaabinaya nasiibkiisa hogaanka dalka sanadka 2021 markii la gaaro.

Ambassador Francisco Madeira ayaa dhankiisa ka hadlay xog inta uu ku dhaamo Shariif Sheekh Axmed Madaxwetnihii hore ee Soomaaliya wuxuu usheegay in dalka isbedel ubaahanyahay si looga gudbo xaaladda hadda taagan.

 

“waxaan maanta xafiiskayga iigu yimid oo aan ku soo dhaweeyey Madaxweyihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxaan ka wada munaaqashoonay xaaladda dalka meesha hadda ay wax marayaan waxaan isla tusaalaynay xaaladda amaan iyo midda lawada hiigsanayo ee doorashada ah ee lafilayo inay qabsoonto sanadka 2021ka markii la gaaro qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya ka dib markii iigu yimid xafiiskayga aadbaana ugu faraxsanahay in Shariif Sheekh Axmed iigu yimaado xafiiskayga”ayuu yiri Francisco Madeira Wakiilka Midowga Africa ee Amisom.

Shariif Sheekh Axmed ayaa durba bilaabay kulamada uu la yeelanayo siyaasiyiinta ajanabiga ah ee ku sugan Muqdisho ee Wakiilo ugu ah wadamada kala duwan ee daneeya arrimaha Soomaaliya iyo kuwa Soomaalida iyadoo aanba la gaarin soona dhoweyn xiliga doorasho ee Soomaaliya wuxuuna shafiir ka mid yahay Siyaasiyiinta ugu taageerada badan Siyaasadda Soomaaliya markii loo eego qaabka hadda abaabulkiisa uu ku socdo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu hogaamiye ka yahay Xisbi siyaasadeed la yiraahdo Himilo Qaran iyadoo Xisbigaas inta ugu badanba ay yihiin Golaha shacabka ee Baarlamanka Soomaaliya wuxuuna Shariif Sheekh Axmed utafa xeedanayaa sidii markale utijaabin lahaa hamigiisa siyaasadeed iyo qabashada hogaanka dalka doorashada 2021ka ee Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version