Wararka Soomaalida
Shariif iyo Geeli oo Jabuuti ku kulmay
Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti iyadoo halkaas kulan kula qaatay Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele.
Safarka Shariif wax badan lagama oga laakiin qoraal uu soo dhiga Shariif bogiisa Facebook ayaa wuxu ku sheegay in Madaxweyne Geele ay ka wada hadleen arimaha Soomaaliya.
“Wafdi ka socda Xisbiga Himilo Qaran oo aan hoggaaminaayo isla markaana ay igu wehliyaan Xoghayaha Arrimaha Dibadda Senator Ilyas Ali Hassan iyo Ambassador Abdirasaq Ahmed Mohamud (Shoole) oo katirsan hogaanka Xisbiga ayaa kulan wada tashi ah kula yeeshey dalka Djibouti Madaxweynaha aan walalaha nahay Ismail Omar Gelleh iyo Safiirka Dowlada Djibouti u fadhiya dalkeenna Soomaaliya”ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.