Wararka Soomaalida
Shariif iyo Xasan oo ugoodiyay Farmaajo iyo Khayre

Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta tagay magaalada Beledweyne ayaa waxay halkaas ku qabteen shirjaraa’id ka dibna waxay weerar af ah ku qaadeen Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyagoo ugu goodiyay in xamar la wada joogi doonin haddii muddo kororsi sameeyaan Madaxda federaalka Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hadda waxay kala hogaamiyaan Xisbiyada kala ah Himilo Qaran iyo UPD iyagoo dhowaan samaystay madal ay ku midaysan yihiin loona bixiyay Madasha Xisbiyada Qaran ee dalka waxayna dadaal dheer ugu jiraan sidii Soomaaliya markale u hogaamin lahaayeen.
Sidoo kale Madaxweyniyaashii hore ayaa dhaliilay habka shaqo ee hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya iyagoo ku dhaliilay arimaha amniga iyo ku tumashada Dastuurka hadda wixii ka dambeeyana laga yeeli doonin Madaxda sare ee Qaranka sida ay ka dhawaajiyeen Xasan iyo Shariif.

Shariif oo hadalka ku hormaray ayaa sheegay in tuhun badan ay ka qabaan madaxda federaalka inay sameeyaan muddo kororsi haddii arintaas dhacdo wuxuu sheegay Shariif inay dagaal ka xigaan oo aan aqbali doonin hadii kale ay uhogaansamaan baaqyada ay ujeediyaan.
Xasan Sheekh oo hadalka ku dambeeyay ayaa asna ku raacay hadalka goodiska ah ee shariif Sheekh Axmed uu u jeediyay Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ee ah in dagaal ay ka xigaan muddo kordhin ay samaystaan madaxda talada dalka hadda haysa.

Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya sida Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa jawaab ka bixin oo aamusnaanta ugu dadaala canaanta iyo caga juglaynta markasta ka soo yeeraysa Madaxweyniyaashii hore.
Labadan Madaxweyne hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale si wadajir ah usheegay in aan lagu khasbin in dalka loo celiyo xiligii bur burka haddii ay ka fursanwaayaana ay la dagaalami doonaan hogaanka dowladda federaalka Soomaaliya.
Madaxweyniyaashaan hore ayaa markasta oo ay qabanayaan shirar waxay ugoodiyaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha iyagoo ugu diga inay sameeyaan muddo kororsi haddii ay dhacdana la dagaalami doomaan dowladda iyadoo wararkaas intabadan shacabka Soomaaliyeed ay aad udhibsadeen hadalada xanafta leh ee mar walba ka soo yeeraya Madaxweyniyaashii hore.