Wararka Soomaalida
Shariif iyo Yamamoto oo kulan ku yeeshay Muqdisho
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo qaar ka mid ah Xisbiyada siyaasada dalka ayaa maanta waxay kulan kula yeesheen xarunta Safaaradda Maraykanka ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto iyagoo iska xog wareystay xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya meesha ay wax marayaan iyo arimaha doorashada Soomaaliya ee 2020/2021-ka.
Shariif Sheekh Axmed hogaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa Danjire Donald Yamamoto usharaxay hadafka iyo ujeeda ay doonayaan in Soomaaliya ka hirgasho markii la gaaro waqtiga doorashada ee Soomaaliya iyo Madasha Xisbiyada Qaran ee uu hogaamiyaha ka yahay inay doonayaan in dalka ka qabsoonto doorasho lagu wada qanacsan yahay oo dhinacyada siyaasadda Soomaaliya raali ka wada yihiin.
Hogaamiyaha xisbiyada Qaran Shariif Sheekh Axmed ayaa ka hor cadeeyay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto in marnaba dhankooda aqbali doonin in muddo kordhin ay samaystaan madaxda hadda dalka xukunta.
“Waxaan xarunta safaaradda Maraykanka ee Muqdisho kula kulannay Danjire Donald Yamamoto waxaana ka wada hadalnay xaaladda guud ee dalka iyo aragtida madasha xisbiyada qaran ee geediga doorashada Soomaaliya ee sanadka 2020/2021, Waxaan kaloo la wadaagnay in marna aanan raali ka ahayn dib u dhac iyo waqti kordhin loo sameeyo dowladda oo ay waajib tahay in doorasho la aado waxaan uga mahad celinnay taageerada ay siiyaan Soomaaliya,iyadoo aan aakhirkiina isku waafaqnay ahmiyada ay leedahay qabsoomidda doorasho hufan oo ay ka heshiiyaan saamileyda siyaasadda sida Dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo xisbiyada siyaasadda ee dalka”
Danjire Donald Yamamoto Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya ayaa markii warbixintooda dhamaysteen Shariif iyo xulafadiisa usheegay in Soomaaliya looga baahan yahay inay ka dhacdo doorasho ay u wada dhanyihiin dhamaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya sidoo kalana muhiim ay tahay dardar gelinta geedi socodka arimaha Soomaaliya.
Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa sheegay Madasha Xisbiyada Qaran inay ka shaqeeyaan arimaha nabada iyo sidii lagu gaari lahaa doorasho xor iyo xalaal ah si dalka uu u gaaro horumar iyo dumoqoraadiyad ilbaxnimo ku dhisan.
Kulankii Donald Yamamoto iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa ku soo dhamaaday isfahan guud inay ka gaareen dhamaan qodobadii ay ka wada hadleen.