Wararka Soomaalida

Shariif oo dhaliil kulul ujeediyey Madaxda Dowladda+sawiro

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda uu hogaamiyo. Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in aan laga aamusi karin xaaladda hadda dadka iyo dalka uu sugan yahay xagga Siyaasadda iyo amniga. Madaxweynihii hore […]

Published

on

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo guud ahaan dowladda uu hogaamiyo.

Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu sheegay in aan laga aamusi karin xaaladda hadda dadka iyo dalka uu sugan yahay xagga Siyaasadda iyo amniga.

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed wuxuu sheegay inuu wali ku taagan yahay balanqaadkii ahaa inuusan dhaliilaynin dowladdan xiligii la doortay 2017dii ilaa muddo xileedkeeda uu ka dhamaanayo balse uu yahay hogaamiye Xisbi siyaasadeed.

“Waxaan soo marnay 21 sano oo xukun milateri ah, dhowr iyo labaatan sano oo dagaal sokeeye ah, 10 sano oo kumeel gaar ah, maanta waxaa noo dhisan dowladdii labaad markii laga baxay Kumeel gaar, marka waa in aan is weydiinaa, xagee soo gaarnay iyo meesha aan joogno, dalkan wuxuu u baahan yahay axsaab siyaasadeed, afkaar siyaasadeed oo cusub oo ka gudbisa marxalada muddada dheer lagu soo dhaqmaayey ee ah nidaamka 4.5″ayuu yiri Shariif Sheekh Axmed.

Shariif ayaa hadalkan ka jeediyey xafladda daah-furka xisbiga uu hoggaamiyo ee Himilo Qaran ee maanta xafkadaas lagu qabtay Magaalada Muqdisho wuxuuna xusay inaan loo baahneyn in hay’adaha dowladda ay hal meel ku ururaan ee loo baahan yahay in hay’ad waliba shaqadeeda gudato.

Wuxuu kaloo uu ka haldlay arrimaha Al shabaab iyo wararka baryahaan la,isla dhaxmaraayey ee ah in lala heshiiyo kooxdaas wuxuuna sheegay Shariif Sheekh Axmed inuu aaminsan yahay in Al-Shabaab lala dagaalamo oo aanu ogeyn sabab loola heshiiyo Shabab iyadoo canshuur ka qaadato Dekadda Muqdisho sida uu warka udhigay shariif, wuxuuna soo jeediyey in dagaal dhab ah lagu qaado kooxdaas.

Waxaa uu sharaxay Shariif sheekh Axmed caqabadaha haysta dowladda Federaalka sida xiriirka dibadda, maamul Goboleedyada, Amniga, xiriirka dowladaha deriska iyo arrimo kale, wuxuuna sheegay inaan laga aamusi karin intii waxa kasta ay burburi lahaayeen.

Xafladan maanta you qabsaday Xisbiga Himilo Qaran ee Shariif Sheekh Axmed hogaamiyaha uu ka yahay ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ah Hogaamiyaha Xisbi siyaasadeedka UPD iyo Xildhibaano ka tirsan Xisbiga Himilo Qaran.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version