Wararka Soomaalida

Shariif Xasan iyo Cabdikariim Guuleed oo toos Kismaayo ugu degay

Published

on

Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta Gaaray magaalada Kismaayo ka dib markii diyaarad ka soonqaaday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxayna si toos ah ugu dejisay magaalada Kismaayo.

Diyaaradaas ayaa waxaa saarnaa oo ay siday Shariif Xasan Sheekh Aadan Madaxweynihii hore ee maamulka Koonfur Galbeed iyo Cabdikariim Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug.

Ujeedadooda Kismaayo ayaa waxay tahay inay ka qeeb galaan caleema saarka Axmed Madoobe iyadoo siyaasiyiin kala duwan isla arintan ku howlan yihiin.

Haddaba raad raac lagu sameeyey sumada dayuuradan ayaa lagu ogaaday inuu nooceedu ahaa Fokker-50 registration 5Y- JXJ, waxaana iska leh shirkadda Skyword Express ee dalka Kenya oo uu leeyahay ganacsade Isaac somo.

Ganacsadahan ayaa la soo sheegayaa inuu leeyahay inta badan dayuuradaha Qaadka keena magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka qaarkood, waxaana muuqaal laga qaaday dayuurada oo garoonka Muqdisho ku sugan lagu ogaaday iney aheyd isla dayuuradii ku degtay garoonka Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in dayuuradan laga kireystay shirkadda iska leh uuna arintaas ka shaqeeyey ganacsade ka tirsan xildhibanada Baarlamanka Somalia, iyadoo la filayo in dowlada Soomaliya oo baaritaan wada ay ku soo rogto mamnuucis shirkadda iska leh dayuuradan.

Trending

Exit mobile version