Wararka Soomaalida

Shil sababay khasaaro kala duwan oo ka dhacay Cadaado+Sawiro

Gaari nooca Ciidanka ah Ciidan farabadana uu saarnaa kuna wajahnaa Magaalada Cadaado ayaa dad shacab ah ku jiiray duleedka degmada Cadaado ee GobolkaGalgaduud ka dib markii darawalka gaariga uu xakamayn waayay. Shilkaas Ciidan ayaa waxaa uu dhacay galabta waxaana ku dhintay 6 qof halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen sida aan wararka ku helayno. […]

Published

on

Gaari nooca Ciidanka ah Ciidan farabadana uu saarnaa kuna wajahnaa Magaalada Cadaado ayaa dad shacab ah ku jiiray duleedka degmada Cadaado ee GobolkaGalgaduud ka dib markii darawalka gaariga uu xakamayn waayay.

Shilkaas Ciidan ayaa waxaa uu dhacay galabta waxaana ku dhintay 6 qof halka tiro intaas kabadana ay ku dhaawacmeen sida aan wararka ku helayno.

Shacabkan uu jiiray Gaariga Ciidanka oo reer Mii,ahaa ayaa marayay waddada sida uu inoo sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka wax ka dhaceen ku sugan wuxuuna inoo xaqiijiyay 6 qof dhimashadooda halka dhaawaca uu sheegay inay iskuuga jiraan askartii saarneed Gaariga iyo dad shacab ah.

Gaarigaas oo markii dambe rogmaday ayaa soo gaaray burbur xoogan iyadoo askartii saarneed qaar ka mid ah ay ku dhaawacmeen sida dadka deegaanka ay u sheegeen Wargayska Tusmotimes.

Meydadkii 6 qof iyo dhaawaca askarta iyo shacabka ayaa naloo sheegay in loo soo qaaday degmada cadaado iyadoo hadda halkaas inta dhaawaca ah xaaladooda Caafimaad lagula tacaalayo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version