Wararka Soomaalida

Shil sababay khasaaro nafeed oo ka dhacay duleedka Berbera×sawiro

Shilkan sababay khasaaraha nafeed ee iskuuga jira dhimashada iyo dhaawaca ayaa galabta wuxuu ka dhacay inta udhaxaysa deegaanada Lafruug iyo Xamaas ee udhaw degmada Berbera ee Gobolka Saaxil ee Maamulka Soomaaliland. Gaari nooca Baska ah ee ay leedahay Shirkadda Damal dadweynahana loogu adeego ayaa waxaa ku dhacay Gaari nooca Candho Meydle ah xili labada gaariba […]

Published

on

Shilkan sababay khasaaraha nafeed ee iskuuga jira dhimashada iyo dhaawaca ayaa galabta wuxuu ka dhacay inta udhaxaysa deegaanada Lafruug iyo Xamaas ee udhaw degmada Berbera ee Gobolka Saaxil ee Maamulka Soomaaliland.

Gaari nooca Baska ah ee ay leedahay Shirkadda Damal dadweynahana loogu adeego ayaa waxaa ku dhacay Gaari nooca Candho Meydle ah xili labada gaariba ay ku socdeen xawaare aad udheereeya.

Gaariga shirkadda Damal oo ka ambabaxay Berbera kuna sii jeeday Hargaysa iyo Gaariga kale ee Candho Meydlaha ah oo isna ka yimid dhanka Hargaysa ayaa isku duqeeyey bartamaha laamiga dheer ee Lafruug iyo Xamaay.

Shilkaas gaari ayaa wararka uu ka helayo Wargayska Tusmotimes aagga ay wax ka dhaceen ayaa sheegaya in khasaaro lixaad leh uu soo gaaray dadkii saarnaa labada gaari ee isjiiray.

Waxaa khasaaraha u badan yahay dadkii saarnaa Gaariga Shirkadda Damal oo ahaa gaariga ugu badan ee lagu dhintay.

Khasaaro iskuuga jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa inuu gaystay shilkaas gaari ee ka dhacay Gobolka Saaxil ee Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version