Wararka Soomaalida

Shimbirkii Gorgorka ahaa oo markale dhibaato gaystay

Published

on

Shimbirka gorgorka ayaa shalay markale dhibaato ka gaystay deegaanada Ismaamulka Soomaali State ee dhulka Itoobiya wuxuuna dilay will 8 jir ah wuxuuna ku dilay tuulada Xaaji saalax oo 65-KM u jirta Degmada Gaashaamo iyadoo horay laba wiil oo aad u da,yar ugu soo dilay miiga Jigjiga.

Shimbirkan Gorgorka ah ayaa 10 maalmood gudahood dad ku dilay Tuulooyinka hoos taga Gaashamo iyo nawaaxigeeda iyadoo bulshada halkaas ku nool cabsi weyn ka muujinayaan dhibaatada deegaanka uu la yimid Gorgorkan dad cunka ah.

Dowladda deegaanka Soomaalida ayaa dhowaan shaacisay inay qabteen oo ay hayaan Gorgorkii dad cunka ahaa balse waxaa hadda markale qayladhaan ka soo yeertay dadka xoolaha dhaqatada ah ee ku nool dhulka Miiga ah.

Shacabka iyo Ismaamulka Soomaali State ayaa iswaydiinaya Shimbirkan weyn ee Gorgorka ah islamarkaana usoo jeestay inuu weeraro oo uu cuno Hilibka bini,aadamka inuu yahay mid cusub iyo inuu yahay kii bilowgiiba la,arkay oo midka ay hayaan uu yahay mid lagu qaldamay.

Trending

Exit mobile version