Wararka Soomaalida
Shir amniga looga hadlay oo ka dhacay Muqdisho+Sawiro
Maamulka Gobolka Banaadir madaxdooda iyo Laamaha amniga ayaa caawa shir balaaran ka yeeshay xaalada amni ee Magaalada Muqdisho ka dib qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdusho. Shirkan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan,Taliyaha Ciidanka Booliska iyo kusimaha Taliyaha Hay’adda NISA ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir […]
Maamulka Gobolka Banaadir madaxdooda iyo Laamaha amniga ayaa caawa shir balaaran ka yeeshay xaalada amni ee Magaalada Muqdisho ka dib qaraxyadii shalay ka dhacay Muqdusho.
Shirkan oo uu shir gudoominayay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan,Taliyaha Ciidanka Booliska iyo kusimaha Taliyaha Hay’adda NISA ayaa wuxuu ka dhacay Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir iyadoo diirada lagu saaray shirkaas wax ka bedelka qorshaha amni ee Gobolka Banaadir.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan ayaa sheegay in muhiim ay tahay qorshe ka bedelan kii hore in lala yimaado si loo adkeeyo amaanka Muqdisho.
Taliyaasha Ciidanka aminiga iyo mas,uuliyiinta Gobolka Banaadir ayaa isku soo hadal qaaday iyadoo intabadan ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho sida ay ku dhacday inay labo qarax shalay ka dhacaan Magaalada Muqdisho.
Mas,uuliyiintan ayaa isku raacay in gudi loo sameeyo degmooyinka Muqdisho kuwaasoo maalin walba warbixino amniga la xiriira keena si looga amba qaado sugida amniga.
“Shirka Amniga Caasimada ayaa waxaan caawa ku qabsanay xarunta Degmada Shibis iyadoo warbixin laga dhageystay Guddiga kormeerka iyo Qiimeynta oo maalin walba soo kormeera degmooyinka. Waxaana la isla gartay dardargelinta fulinta Qorshaha Amniga”
Kulankan caawa ka dhacay Degmada Shibis ee amniga looga hadlayay ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo shalay labo qarax oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ay ka dhaceen Gobolka Banaadir xili ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho intooda uga badan.