Wararka Soomaalida
Shir looga hadlayay dakhilga oo Baydhabo ka dhacay
Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta waxaa kulan is xog wareysi ah ku yeeshay howl wadeen wasaaradda Maaliyadda ee maamulka Koonfur Galbeed iyo wasiirka wasaaradaasi Axmed Maxamed Xuseen iyagoo kulankooda diirada ku saaray dib u,eegista waxyaabihii shaqo ee uqabsoomay iyo waxyaabaha weli udhiman ee uqabsoomi waayay iyo sidoo kale caqabadaha hortaagan.
Wasiir Axmed Maxamed Xuseen ayaa marka hore warbixino ka dhageystay howl wadeena wasaaradda ka dibna waxay usharaxeen meesha ay wax umarayaan iyagoo sheegay in shaqo hufan oo dardar leh socoto welina wax udhiman yihiin ayna ku dadaalayaan sidii ay u dhamaystiri lahaayeen inta uharsan ee shaqo.
Wasiirka Wasaaradda maaliyadda ee maamulka Koonfur Galbeed Axmed Maxamed Xuseen ayaa umahad celiyay howl wadeena wasaaradda iyo sida qiimaha leh ee ay ugu sharaxeen howsha shaqo meesha ay wax marsiinayaan iyo dadaalka qiimaha leh ee ay muujinayaan.
Ugu dambayn Axmed Maxamed Xuseen wasiirka Maaliyadda Koonfur Galbeed ayaa faray shaqaalaha iyo madax waaxyada dhamaan inay laba jibaaraan howlaha shaqo ee wasaaradda i dakhliga koonfur Galbeed kor ugu kaco.