Wararka Soomaalida

Shir looga hadlayo amaanka oo ka dhacay Wadajir

Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa caawa ka dhacay kulan looga arrinsanayey amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Kulankaas ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro,Saraakiil iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ENG Yariisow waxaana lagu qabtay Shirkaas Saldhiga Ciidanka Booliska ee Degmada Wadajir. Dhamaan mas,uuliyiintan ka qeyb galay kulankaas ayaa waxay ka tirsan yihiin Gudiga amniga ee […]

Published

on

Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa caawa ka dhacay kulan looga arrinsanayey amaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kulankaas ayaa waxaa ka qeyb galay wasiiro,Saraakiil iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ENG Yariisow waxaana lagu qabtay Shirkaas Saldhiga Ciidanka Booliska ee Degmada Wadajir.

Dhamaan mas,uuliyiintan ka qeyb galay kulankaas ayaa waxay ka tirsan yihiin Gudiga amniga ee Muqdisho iyadoo diiradda ay ku sameeyeen kulankooda sida ugu macquulsan ee loo sugikaro amaanka Muqdisho.

Guddigan oo loo xilsaaray ka soo tala bixinta Amniga ayaa Waxaa ku jira Wasiirada Amniga, Ganacsiga khayraadka,Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisulwasaaraha iyo Xubno kale.

Guddiga ayaa la filaa in ay ka hadlaan Waxyaabihii ka soo baxay kulanka Caawa ay ku yeesheen Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version