Wararka Soomaalida

Shir looga hadlayo arimo xasaasi ah oo isniinta ka furmaya Muqdisho

Maalinta isniinta ah ee isbuucan ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo Shir ay maalgeliyeen Ururka Iskaashiga Islamka Organization of islamic Coomperation ee loo soo gaabiyo (OIC) kaasoo looga hadli doono Badqabka iyo fikirka la dagaalanka Xagjirnimada Soomaaliya. Shirkan oo cinwaan looga dhigay Shir weynaha Badqabka fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ayaa waxaa […]

Published

on

Maalinta isniinta ah ee isbuucan ayaa waxaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka furmo Shir ay maalgeliyeen Ururka Iskaashiga Islamka Organization of islamic Coomperation ee loo soo gaabiyo (OIC) kaasoo looga hadli doono Badqabka iyo fikirka la dagaalanka Xagjirnimada Soomaaliya.

Shirkan oo cinwaan looga dhigay Shir weynaha Badqabka fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada ayaa waxaa ku dhawaaqaday in maalinta isniinta ah uu ka furmayo Magaalada Muqdisho wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya.

Kulankaas ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qayb galaan mas,uuliyiin ka socota OIC iyadoo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya mas,uuliyiintooda ay ka qayb geli doonaan.

Shir weynahan qarashka ku baxaya ayaa waxaa bixinaya Ururka iskaashiga Islaamka ee OIC iyadoo qaban qaabadiisa ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version