Wararka Soomaalida
Shir looga hadlayo wax qabadka dowladda oo ka furmay Muqdisho
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya Mahadi Maxamee Guuleed Khadar oo maanta ka qayb galay shirka agaasimayaasha guud oo maalintiisii sedaxaad galay ayaa sheegay in agaasimayaasha guud ay yihiin keydka, Xasuusta, laf-dhabarta iyo Mashiinka dowladu ay ku dhaqaaqdo.
Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeediyay shirkan islamarkaana maanta ay ku soo biireen agaasimayaasha guud ee wasaaradaha dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya ayaa agaasimayaasha kula dardaarmay in ay ka faa’iideystaan shirkan ayna sameeyaan wadatashi, xog is waydaarsi iyo aqoon is-waydaarsi maadaama ay yihiin waaya arag iyo muraayadii laga daawan halaa nidaamka iyo kala dameynta mustaqbalka Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ku celiyay in lagama maarmaan ay tahay in agaasimayaasha guud oo bud-dhig u ah hagaha nidaamka dowladnimo ee casriga ah ay iska kaashadaan ka faa’iideysiga fursadaha dowladnimo ee jira iyo sida xal looga gaari karo horumarinta qaranka iyo midaynta dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Shirka agaasimayaasha guud oo lagu soo bandhigayo waxqabadka dowaldda ayaa Muqdisho ka furmay October 22, 2019 waxaana qorshuhu yahy in lasoo xiro October 26, 2019-ka sida loo qorsheeyay.