Wararka Soomaalida
Shir madaxeedkii Midowga Africa oo la soo gaba gabeeyey+Sawiro
Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka itoobiya ayaa caawa waxaa lagu soo gaba gabeeyey shir Madaxeedka Mifowga Africa ee ugu socday Magaaladaas. Shirkaas ayaa waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha Qaxootiga iyo colaadaha ka jira wadamada Africa qaar kood sida Soomaaliya oo kale waxaana ka qayb galay Madax ka socotay wadamada Africa intooda ugu badan. Wali […]
Magaalada Addis ababa ee xarunta dalka itoobiya ayaa caawa waxaa lagu soo gaba gabeeyey shir Madaxeedka Mifowga Africa ee ugu socday Magaaladaas.
Shirkaas ayaa waxaa diiradda lagu saarayey arrimaha Qaxootiga iyo colaadaha ka jira wadamada Africa qaar kood sida Soomaaliya oo kale waxaana ka qayb galay Madax ka socotay wadamada Africa intooda ugu badan.
Wali waxaa la sugayaa War murtiyeedkii shirkaas Madaxda Africa ee ku shirtay Addis ababa lagu jeexjeexay in warbaahinta loo soo bandhigo.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ee ka qayb galay Shirkaas ayaa waxaa uu kulamo kala gaar gaar ah la yeeshay qaar ka mid ah Madaxweyniyaasha wadamada Africa ee shirka ka qayb galay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis ababa kulan kula yeeshay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan.
Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sidoo kale ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.
Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxaana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka walaaltinimo ee labada dal.
Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyey hiilka walaaltinimo iyo garab istaagga joogtada ah ee ay dowladda iyo shacabka Jabuuti u fidiyaan walaalahooda Soomaaliyeed.
Madaxweyne Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi farmaajo ayaa kulan uu la yeeshay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir ayaa xukuumad iyo shacabka reer Suudaan uga mahadceliyey taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir la qaatay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasog isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal,Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen.
Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.
Sidoo kale, muddadii 3 cisho Hayd ee uu Addis Ababa ku sugnaa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wax uu la kulmay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub ahna Uqaabilsanaha Arrimaha Dibadda iyo Siyaasadda Amniga Marwo Federica Mogherini iyo Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda ee Qatar Soltan bin Saad Al -Muraikhi.