Wararka Soomaalida
Shiradda QATAR Airways oo duulimaad rasmi ah ka bilowday Muqdisho+Sawiro
Shirkadda duulimaadka Diyaaradaha ee QATAR AIRWAYS ayaa maanta duulinaadkeeda Caalamiga ah toos ugu bilowday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho. Munaasabad lagu shaacinayay duulimaadkaas rasmiga ah ee Shirkadda Diyaaradda QATAR AIRWAYS ayaa galabta lagu qabtay xarunta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho. Waxaa munaasabaddaas ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya oo […]
Shirkadda duulimaadka Diyaaradaha ee QATAR AIRWAYS ayaa maanta duulinaadkeeda Caalamiga ah toos ugu bilowday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho.
Munaasabad lagu shaacinayay duulimaadkaas rasmiga ah ee Shirkadda Diyaaradda QATAR AIRWAYS ayaa galabta lagu qabtay xarunta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Waxaa munaasabaddaas ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada federaalka Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Bayleh,danjiraha dowlada QATAR u fadhiya Soomaliya iyo mas,uuliyiin kale iyadoo dalka keentay rakaabkii ugu horeeyey ee ka soo dejisay garoonka Aadan Cadde waxayna qaaday rakaab kale oo Muqdisho ka dhoofayay.
Duulimaadkan joogtada ah ee diyaarqdda QARAT AIRWAYS oo joogto ka noqon doono Muqdisho,Doha, Doha Mqudisho ayaa ahaa mid muddo dheer laga soo shaqeynayay sida ay sheegeen mas,uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya waxayna Muqdisho iman doonta todobaadkiiba saddex jeer sida laga sheegay munaasabadaas ka dhacday garoonka Aadan Cadde.
Shirkadda diyaaradaha ee QATAR AIRWAYS ayaa noqonaysa shirkadii diyaaradeed ee Shanaad oo duulimaad caalami ah ka bilowda Soomaliya waxaa ka horeeyey shirkadaha dayuuradaha Turkish Airlines, Air Djbouti iyo Ethiopian Airlines iyo Kenya Airways.
Tallaabooyinkan xagga ganacsiga ah ee tartanka loogu jiro ee duulimaadka diyaaradaha ah ayaa waxaa bilowday oo dalka keentay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo waana wax yaabaha ay ku amaanan yihiin madaxda federaalka Soomaaliya.