Wararka Soomaalida

Shirka Garowe oo rajo xumo laga muujiyey iyo Salaadii Jimcaha+sawiro

Wararka Wargayska Tusmotimes uu ka helayo shirka ka socda Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ee u dhaxeeya madaxda Qaranka iyo madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegayaa in isfahanwaa weyn uu ku soo kordhay shirka Garowe ka dib markii qodobada qaar la,isku fahmi waayey in la,isla qaato hal mowqif. Qodobada muranka uu ka taagan yahay […]

Published

on

Wararka Wargayska Tusmotimes uu ka helayo shirka ka socda Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland ee u dhaxeeya madaxda Qaranka iyo madaxda Maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa wuxuu sheegayaa in isfahanwaa weyn uu ku soo kordhay shirka Garowe ka dib markii qodobada qaar la,isku fahmi waayey in la,isla qaato hal mowqif.

Qodobada muranka uu ka taagan yahay ayaa waxaa ka mid ah madaxbanaanida Maamul goboleedyada oo ah inay toos ula xiriiraan beesha caalamka iyo inay deeqaha dibadda ee hadda loo soo marsiiyo dowladda dhexe ay iyagu toos uhelaan.

Waxaa kaloo taagan doorashada Maamulka Jubbaland inay dowladda ka dhaxbaxdo oo wax door ah ku yeelanin sidoo kale arinta Galmudug ee muddo kordhinta ku saabsan laga soo bilaabo Axdigii Jabuuti ee ahaa midowgii Ahlusuna iyo Maamulka Galmudug.

Haddii taladooda loo raaco Maamulada arintan danaynaya ee ku saabsan arinta Galmudug ee ah in heshiiskii Jabuuti laga soo bilaabo muddo kordhinta uu doonayo Axmed Ducaale Geele Xaaf waxay utahay seddax sano oo horleh islamar ahaantaana fursad dahabi ah unoqonayso Xaaf waana midda Madaxda dowladda dhexe ay ka meer meerayaan aqbalida qodobkaas.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa waxay doonayaan in Xaaf muddo xileedkiisa loogu daro muddo halsano ah iyadoo laga soo bilaabayo xiligii uu bedelay Cabdikariim Xuseen Guuleed islamarnaa Madaxweynaha Galmudug loo doortay Xaaf sanadkii 2014kii.

Xaaf iyo xulafadiisa ayaa aad ugu biyo diidan go,aanka madaxda Qaranka ay ku taaganyihiin iyadoo sanadka soo socda ee 2020ka uu ku dhamaanayo muddada kordhinta madaxda Qaranka ay ujaan goonayaan Axmed Ducaale Geele Xaaf.

Wararku waxay sheegayaan in qodobadaas iyo kuwo kale oo aad u,adag islamarkaana ay ku adkaysanayaan Maamulada seddaxda ah ee Jubbaland,Puntland iyo Galmudug ay dhici karto in shirka uu ku soo idlaado natiijo la,aan sida ay sheegayaan ilaha ku dhow dhow shirka Garowe ka socda.

Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta salaadii Jimaha shacabka kula dukaday Masaajidka Shuhadaa la yiraahdo ee ku yaala Magaalada Garowe.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi cismaan (Axmed Karaash) ayaa siwadajir ah shacabka ugula dukaday Salaadii Jimacaha Masaajidkaas oo ku yaala bartamaha Mahaalada Garowe.

Sidoo kale waxaa masaajidka Shuhadaa ee Garowe iyana salaada kula dukaday shacabka Garowe Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre iyo qaar ka mid ah wasiirada Maamulka Puntland iyo Madaxweyniyaasha Galmudug,Jubbaland,Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Maanta majirin Ciidan farabadan oo xiray dhamaan wadooyinka soo gala Masaajidka Shuhadaa ee Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda kalaba Salaada Jimacaha ay shacabka kula dukanayeen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version