Wararka Soomaalida
Shirka Garowe oo wajigii labaad galay+sawiro
Maalintii labaad ayaa Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waxaa ka socda shirka Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleeyda iyadoo looga aransanayo arimaha amaanka,dhaqaalaha,Siyaasadda iyo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021-2022. Shirkaas ayaa maalintii labaad waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed, laguna xoojinayo wadashaqaynta Dowladda […]
Maalintii labaad ayaa Magaalada Garowe ee Maamulka Puntland waxaa ka socda shirka Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Maamul Goboleeyda iyadoo looga aransanayo arimaha amaanka,dhaqaalaha,Siyaasadda iyo doorashada Soomaaliya ee sanadka 2021-2022.
Shirkaas ayaa maalintii labaad waxaa shir guddoominaya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo kaasoo lagaga arrinsanayo aayaha iyo mustaqbalka shacabka Soomaaliyeed, laguna xoojinayo wadashaqaynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khahre,Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cabdiraxmaan Cumar Cismaan,Madaxweynaha martida loo yahay ee Puntland Siciid Cabdulaahi Deni,Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen,Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Axmed Madoobe,Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf iyo Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.
Wararka qaar ee ku saabsan shirka ayaa sheegaya in qodobada qaar la isku mari la yahah qodobadaas oo ka mid ah arrimaha doorashada,madaxbanaanida Maamulada iyo deeqaha laga helo beesha caalamka.
Dooda shirka ayaa waxaa kaloo ka mid ah arimaha doorashooyinka Maamulada Galmudug iyo Jubbaland iyadoo Madaxda Maauladaas ay ku eedeeyeen Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya inay ku hayaan faragelin.