Local News

Shirka Jimciyadda Ismaaliga Waqooyiga Maraykanka oo Minneapolis ka furmay

Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ka bilaabmay Shirkii Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyiga Maraykanka, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga furmay masaajidka Abubakar Al-Sadiq ee magaalada Minneapolis. Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto, ahna shirkii ama sannadkii 18-aad ee la qabto ayaa waxaa ka soo qayb galay Imaamyada […]

Published

on

Waxaa magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota ka bilaabmay Shirkii Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyiga Maraykanka, Islamic Association of North Ameica (IANA). Shirkan ayaa si rasmi ah uga furmay masaajidka Abubakar Al-Sadiq ee magaalada Minneapolis.

Shirkan oo ah shir sannadkiiba mar la qabto, ahna shirkii ama sannadkii 18-aad ee la qabto ayaa waxaa ka soo qayb galay Imaamyada 30 Masjid iyo in ka badan 100 Culimo ah oo ka kala socda gobolada kala duwan ee dalka Mareykabka. Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA). 

Sheekh Xassan Jaamac (Dhooye) oo isagu ah agaasimaha fulinta Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyi America (IANA) ayaa Wargeska Tusmotimes u sheegay in shirkan ay ku kulmayaan Golaha Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyiga Maraykanka ayaa socon doonaa mudo sadex (3) maalmood ah. Sheekh Xassan Dhooye ayaa yiri, “waxaa shirkan lagu falanqayndoona, lagana doodi doonaa arrimo badan oo ku saabsan maslaxada bulshadda, qoysaska iyo dhallinyarada Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Waqooyiga Maraykanka”.

Sidoo kale waxaa sannadkan shirka Jimciyadda Ismaaliga ee Waqooyiga Maraykanka ka soo qayb gali doona marti sharaf kale oo ay kamid yihiin waalidiinta, dhallinyarada iyo qeybo kalo oo kamid ah bulshadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka Minnesota iyo guud ahaanba dalka Maraykanka.

Haddaba wixii go’aamo iyo bayaan ah ee ka soo baxa shirkan waxaad kala socotaan Wargeyska Tusmotimes.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version