Wararka Soomaalida
Shirka iskaashiga Soomaaliya oo saaka ka furmaya Muqdisho
Shirkan ayaa waxaa horay loogu qabanjiray dalka Belgium gaar ahaan magaalada Brussels waxaana looga hadalaa aalaaba xaalada dalka Soomaaliya balse sanadkan wuxuu ka dhacayaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho markiisii ugu horaysay.
Shirkaas ayaa waxaa ka soo qayb galaya inkabadan 50 Ergo oo caalamka ka kala imaanaya iyadoo looga hadlayo arimaha dhaqaalaha amaanka iyo doorashada Soomaaliya ee 2022-ka waxaa kaloo laga casuumay dhamaan maamulada ka jira Soomaliya ee hoosyimaada dowladda federaalka Soomaaliya.
Maamuladaas ayaa waxaa ka mid ah Koonfur Galbeed Hirshabelle Puntland Galmudug Gobolka Banaadir iyo Jubbaland shirka waxaa ka qayb galaya dhamaan Madaxweyniyaasha Maamulada markii laga reebo Jubbaland oo ka qayb galaya wasiirka maaliyadda Jubbaland maadaama Axmed Madoobe dowladda federaalka Soomaaliya taageersabayn.