Wararka Soomaalida
Shirka ka socda Garowe oo heer gebagebo ah maraya
Shirka Magaalada Garowe ugu socda madaxda Qaranka iyo madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa wuxuu qaatay muddo ku dhaw Toban maalin iyadoo shirkaas uu soo maray heerar kala duwan waxbadana lagu lafaguray. Wararka aan ka helayno shirkaas Garowe ayaa sheegaya in qodobadii qaar ee la,isku diidanaa hadda kuwana heshiis laga gaaray kuwana ay ku dhawdahay in […]
Shirka Magaalada Garowe ugu socda madaxda Qaranka iyo madaxda Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa wuxuu qaatay muddo ku dhaw Toban maalin iyadoo shirkaas uu soo maray heerar kala duwan waxbadana lagu lafaguray.
Wararka aan ka helayno shirkaas Garowe ayaa sheegaya in qodobadii qaar ee la,isku diidanaa hadda kuwana heshiis laga gaaray kuwana ay ku dhawdahay in qalinka lagu wada xariiqo ka dib tanaasul ay sameeyeen dhinacyada ku shirsan Garowe.
Qodobada ugu adkaa ee muranka badan dhaliyey ayaa waxaa ka mid ah habka doorasho ee Soomaaliya,hindisa sharciyeedkii dhawaan ay meelmariyeen Golaha wasiirada Soomaaliya ee ku saabsanaa qaabka doorasho ee Soomaaliya,maaraynta gudiga doorashada Soomaaliya iyo arimaha Maamul Goboleedyada ee ka tabashada Dowladda dhexe ku aadan.
Wararka waxay intaas ku darayaan in xal laga gaaray arimaha tabashada Maamulada iyo arimaha doorashada laakiin wali ay dhiman yihiin xal ka gaaristooda qodobada gudiga doorashada iyo qodobkii ay meel mariyeen Golaha wasiirada ee doorashada la xiriira in xal loo helo ah.
Madaxda ku shiraysan Garowe ayaa wali isku haysta qodobada qaar iyadoo dadka xog ogaalka ah ay sheegayaan in isfahanka arimahaas oo dhan ay dhaw yihiin.
Wargayska Tusmotimes wararka uu ka helayo Garowe ayaa sheegaya in maalinta sabtiga ah ay ubadantahay in la soo gebagebeeyo shirkaas ka dibna lagu dhowaaqo war Murtiyeedka ay ku heshiiyeen Madaxda Qaranka Soomaaliya iyo kuwa Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee shirka ku leh Magaalada Garowe.