Wararka Soomaalida
Shirka la dagaalanka xagjirnimada oo dhowr qodob looga hadlay+sawiro
Shiweynaha Badqabka fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada Soomaaliya ee ay soo agaasinta dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maal gelinayaan Ururka iskaashiga Islaamka ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shirka furay ujeedkiisana faafaahiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed. Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in fikirka xagjirka uu […]
Shiweynaha Badqabka fikirka iyo la dagaalanka Xagjirnimada Soomaaliya ee ay soo agaasinta dowladda Soomaaliya islamarkaana ay maal gelinayaan Ururka iskaashiga Islaamka ee maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shirka furay ujeedkiisana faafaahiyey Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.
Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa sheegay in fikirka xagjirka uu yahay mid Soomaaliya dibadda looga keenay shacabka Soomaaliyeedna shaqo ku lahayn islamarkaana shacabka ay yihiin shacab jecel nabada,diinta islaamka ee saliimka ah.
Qaar ka mid ah wafdiga ka qayb galay shirkan kana socda Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa dhankooda sheegay in ficilka xagjirnimada uu yahay mid aan fiicnayn.
Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.