Wararka Soomaalida

Shirka madasha Soomaaliya oo maalintii labaad galay

Published

on

Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda maalintii labaad shirka madasha iskaashiga Soomaaliya waxaana looga hadlaya arimaha amniga dhaqaalaha iyo siyaasada Soomaaliya waxaa shirkaas ka qaybgalaya inkabadan 50 dowladood oo caalamka ka kala socda.

Sidoo kale shirkan ayaa waxaa ka qaybgalaya qaar ka mid ah maamulada hoos yimaada dowladda federaalka Soomaaliya sida Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,siihayaha xilka Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale iyo Gudoomiya Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish.

Dhinaca Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka qaybgalaya Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre wasiiro Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka Soomaaliya waxaana shirkan lagu wadaa in la soobgabagabeeyo maalinta bari ah.

Trending

Exit mobile version