Wararka Soomaalida

Shirkadda DP World iyo Soomaaliland oo iskudhacay

Wararka nooga imaanaya Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in ay is khilaafeen Madaxda Shirkadda laga leeyahay Dubai ee DP World iyo Madaxda Maamulka Soomaaliland ka dib markii la,isku afgaranwaayey habka wada shaqaynta Shirkadda iyo Maamulka Soomaaliland. Khilaafkaas awgeed ayaa waxaa la hadal hayaa in Dubai u aaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan […]

Published

on

Wararka nooga imaanaya Magaalada Hargaysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa sheegaya in ay is khilaafeen Madaxda Shirkadda laga leeyahay Dubai ee DP World iyo Madaxda Maamulka Soomaaliland ka dib markii la,isku afgaranwaayey habka wada shaqaynta Shirkadda iyo Maamulka Soomaaliland.

Khilaafkaas awgeed ayaa waxaa la hadal hayaa in Dubai u aaday Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Soomaaliland Cabdiraxmaan Saylici iyo wafdi uu hogaaminayo,waxaana Wararka ay tibaaxayaan Madaxweyne ku xigeenka Soomaaliland iyo Madaxda DP World ay wada kulmeen balse wali xal laga gaarin arrintan ismaandhafka,ah.

Maamulka uu hogaaminayo Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegay inaysan wali gacanta ku dhigin heshiiskan saxda ah ee Shirkaddan lagula galay Dekadda Berbera oo ay kala saxiixdeen Maamulkiisa hore ee Axmed Siilaanyo.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa la sheegayaa in ay saluugsan yihiin heshiiska DP World lala galay,maadaama aysan waxba kala socon qoraalo badan oo horey labada dhinac ay isku weydaarsadeen, kuwaasoo qeexaya waxyaabaha lagu heshiiyay.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in fulin la’aanta heshiisyadii DP World ee dhismayaasha laamiyada Magaalooyinka maamulkaas iyo arrimo kale ay keeneen in madaxweyne Muuse Biixi walaac farabadan uu ka muujiyo heshiiskii horey DP World lagu lahadlay Dekadda Berbera.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Somaliland ayaa madaxda DP World u gudbiyay sharuudo ay doonayaan in lagu daro heshiiska Shirkadda DP World kuwaasoo aan horey loogu heshiinin waxaana wararka ay sheegayaan in qodobada uu ula tagay Cabdiraxmaan Saylici ay kamid yihiin.

1-In Imaaraadka kordhiyo Dhaqaalaha iyo miisaaniyadda Maamulka Soomaaliland uu ka helayo saamiga Berbera.

2-In Bangiyo imaaraadka laga leeyahay laga furo deegaanada Maamulka Soomaaliland.

3-In Imaaraadka Safka hore ka galo u ololeynta ictiraaf raadinta Maamulka Soomaaliland.

Waxaa la sheegayaa in qodobadaas ay diideen madaxda Shirkadda DP Word in ay fuliyaan iyadoo intaas kadib Cabdiraxmaan Saylici loo soo daabacay nuqul ka mid ah heshiiskii lala galay madaxdii iyaga ka horeysay waxaana intaas kadib loo bandhigay qodobo ay Soomaliland ka gaabisay sida ay sheegayso xogtan aan ka helnay dhinaca  Magaalada Hargaysa,arintaas ayaana lagu soo waramayaa in ay keentay Khilaafka cusub ee hadda banaanka yimid ee udhaxeeya DP World iyo Madaxda Soomaaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version