Wararka Soomaalida
Shirkado horay heshiis loola galay oo heshiiskii lalaalay
Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war Saxaafadeed ay ku cadaysay in shan Shirkadood oo haray heshiis sidaa uweynayn lala galay hadda lalaalay heshiiskaas hore ka dib markii ay ucadaatay in howlihii heshiiska loola galay Shirkadaha ka soo bixiwaayeen shanta Shirkadood.
Heshiiskii hore ee lala galay Shirkadahan hadda lalaalay heshiiskii hore ayaa wuxuu ahaa badqabka Gaadiidka (M.O ama Kalaawito) taasina ay ka soo bixi waayeen sidaas ageed waxaa la joojiyay gabi ahaanba heshiiskii horay loola galay.
Shirkadahaasi ku fashilmay howlihii laga doonayay ka dibna la joojiyay shaqooyinkooda ayaa waxay kala yihiin.
1-General Motors.
2-Balqiisa General Service.
3-Sawaasiya General Service
4-Gaagaale General Service.
5-iyo Barwaaqo General Service.
Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi oomaar ayaa sheegay in gabi ahaanba shantan Shirkadood laga joojiyay wixii howl ah ee ay ka hayeen Soomaaliya ka dib markii cabasho farabadan uga timid dhanka bulshada Soomaaliyeed.