Wararka Soomaalida
Shirkii Garowe oo la soo gaba gabeeyey
Shirkii maalmahanba Magaalada Garowe ugu socday Madaxda Baarlamanka federaalka Soomaaliya iyo afarta Maanul goboleed ee kala ah Puntland,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Gudoomiyaashooda Baarkamanada iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Soomaaliya ayaa galabta la soo gaba gabeeyey. Shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray War murtiyeed ka kooban 17 qodob. Qodobadda kasoo baxay shirka waxaa ka mida […]
Shirkii maalmahanba Magaalada Garowe ugu socday Madaxda Baarlamanka federaalka Soomaaliya iyo afarta Maanul goboleed ee kala ah Puntland,Hirshabelle,Koonfur Galbeed iyo Jubbaland Gudoomiyaashooda Baarkamanada iyo Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Soomaaliya ayaa galabta la soo gaba gabeeyey.
Shirkaas ayaa waxaa laga soo saaray War murtiyeed ka kooban 17 qodob.
Qodobadda kasoo baxay shirka waxaa ka mida in kulan wadajir ah lala yeesho deeq-biyaasha taageera Baarlamaannada iyo dowlad goboleedya iyadoo loogu baaqay inay kordhiyaan dhaqaalaha ay soo mariyaan hay’adaha caalamiga ah ee kaalmeeya golayaashan.
Sidoo kale golayaasha Baarlamaanada waxay xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ugu baaqeen in ay derder geliyaan dhammaystirka arrimaha ka dhiman Federaaleynta dalka.
War murtiyeedka shirka ayaa dhanka kale walaac loogu muujiyay habacsanaan iyo khilaaf ay sheegeen inay ku timid labada gole ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, iyadoo shirku isku raacay in la xalliyo khilaafka u dhexeeya labada gole.
Gunaanadka war murtiyeedka ayaa looga dhawaaqay in gebi ahaanba Dastuurka dalka ee dib u habeyntu ku socoto laga saaro kalmadda Sharci-dejin ee loo adeegsado Baarlamanka iyadoo la go’aamiyey in kalmadda loo beddelo Xeer dejin.
Shirka Afhayeennada golayaasha xeer dejinta heer Federaal iyo dowlad goboleed ee Garoowe ka qabsoomay ayaa waxaan lagu casumin Baarlamanka Galmudug khilaafka ka taagan maamulkaas awgeed.