Wararka Soomaalida
Shirkii Garsoorka Soomaaliya oo qodobo laga soo saaray(Akhriso)
Shirkii dhowaan lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Muqdisho ee Garsoorka Soomaaliya loogana hadlayey hagaajinta Garsoorka Soomaaliya ayaa caawa waxaa laga soo saaray 10 qodob oo ku saabsan nuxurka shirkaas iyo ka qayb galiyaashii shirka Garsoorka Soomaaliya rayigoodii. Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo soo qaban qaabiyey shirkaas ayaa waxaa uu dhacay intii udhexaysay 6-7 bisha February 2019 […]
Shirkii dhowaan lagu soo gaba gabeeyey Magaalada Muqdisho ee Garsoorka Soomaaliya loogana hadlayey hagaajinta Garsoorka Soomaaliya ayaa caawa waxaa laga soo saaray 10 qodob oo ku saabsan nuxurka shirkaas iyo ka qayb galiyaashii shirka Garsoorka Soomaaliya rayigoodii.
Gudoomiyaha Maxkamadda sare oo soo qaban qaabiyey shirkaas ayaa waxaa uu dhacay intii udhexaysay 6-7 bisha February 2019 waana markii ugu horaysay shir noocaan ah lagu qabto Magaalada Muqdisho isla markaana la xiriira arrimaha Garsoorka Soomaaliya tan iyo xiligii ay dhacday Dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii.
Shirka ayaa waxaa ka qayb galay Garsoorka heer federaal iyo dhammaan dawladaha
xubnaha ka ah dowladda federaalka Soomaaliya, hay’addaha kale ee dawladda oo marti-sharaf ahaan looga
qayb galiyey shirka,jaamacaddaha, culimada,bulshada rayidka ah iyo qaybo ka mid ah bulshada
caalamka.
Shirka ayaa waxaa maalintiisii labaad ka qayb galay Madaxweynaha federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo wuxuuna ka jeediyey khudbad qiimo badan isla markaana su’aalo Garsoorka iyo
cadaaladda la xiriira wax laga waydiiyey Madaxweyne Farmaajo.
Shirkan oo ah mid qanuuni ah sida ku cad qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962 waxaa diiradda lagu saaray wax qabadka Garsoorka sanadkii tagay caqabadihii ka hor yimid,kuwa hadda haysta iyo qorshayaasha mustaqbalka dalka.
Shirka waxaa lagu aqoonsaday muhiimada ay leedahay dib u udhiska garsoorka dalka ee madaxbanaan,karti u leh gudashada xilkiisa,awoodna uheli kara dhowridda saraynta
sharciga,isku xukunkiisa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha.
Ka qayb galiyaasha waxay soo saareen War-Saxaafadeeskan.
1. Ka qayb galayaasha shir-sanadeedka Garsoorku waxay Maxkamadda
Sare uga mahadceliyeen soo noolaynta sanadka garsoorka iyo hirgalinta shir sanadeedkii koowaad ee garsoorka.
2. Shirku wuxuu bogaadiyey soona dhoweeyey in uu shirkani sida
qaanuunku qabo noqdo mid joogto ah oo sanad kasta bilawgiisa la qabto.
3. Shirku wuxuu bogaadiyey dib u habeynta balaarinta ee ka soo socota Garsoorka,waxaan soo jeedinaynaa in guud ahaan dalka laga hirgaliyo dib u habeynta Garsoorka dalka.
4. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo booliiska garsoorka si uu,ugu sahlo fulinta go’aamada iyo xukunnada garsoorka sugana amniga garsoorka dalka.
5. Shirku wuxuu dhiirigaliyey xoojinta maxkamadaha wareega iyo bixinta,adeeg sharci oo lacag la’aan ah,si ay bulshadu u hesho adeeg caddaaladeed oo ay ku kalsoonaan karaan.
6. Shirku wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo muhiimad gaar ah u leh Garsoorka Soomaaliya.
3 Shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya ee 2019 waxaa shirkii ugu horeeyey ee qabsooma tan iyo markii ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991kii.
7. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo dhiso xarumihii maxkamadaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba, lana xoojiyo dib u dhiska iyo dayactirka xabsiyada dalka.
8. Shirku wuxuu soo jeediyey in dib loo dhiso xafiiska tirakoobka iyo xog ururninta garsoorka Soomaaliya.
9. Shirku wuxuu taageeray in si dhakhso leh loo dhamaystiro hannaanka caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliya.
10.Gunaanad, shir sanadeedka Garsoorku waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta garsoorka ee ilaalinta saraynta sharciga iyo dhowrida xuquuqda
aadmaha.