Wararka Soomaalida

Shirkii Gorowe oo qodobo hordhac ah lagu gaaray

Shirka Magaalada Garowe ugu socda madaxda Qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa maalmahan waxaa ka taagnaa caqabado hor taagnaa xal ka gaarista arimaha la’isku hayo. Qodobada la,isku hayey ayaa waxaa ka mid ahaa gudiga doorashooyinka Soomaaliya iyo madaxbanaanida Maamul Goboleedyada. Wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka ay tanaasul sameeyeen qodobadii […]

Published

on

Shirka Magaalada Garowe ugu socda madaxda Qaranka iyo dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa maalmahan waxaa ka taagnaa caqabado hor taagnaa xal ka gaarista arimaha la’isku hayo.

Qodobada la,isku hayey ayaa waxaa ka mid ahaa gudiga doorashooyinka Soomaaliya iyo madaxbanaanida Maamul Goboleedyada.

Wararka aan ka helayno Magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka ay tanaasul sameeyeen qodobadii la,isku haystay.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug oo ahaa qodobka ugu weyn ee shirka iyo xilkiisa ayaa wararku waxay sheegayaan in madaxda Qaranka ay ogolaadeen in muddo kororsi loo sameeyo.

Axmed Ducaale Geele Xaaf ayaa muddo halsano ah waxaa loogu daray muddo xil hayntiisa sidoo kale baarlamanka Maamulkaas la’iskuuga geeyo Cadaado.

Xaaf ayaa waxaa haysatay caqabado ka dib markii Baarlamanka Maamulkaas uu labo ukala jabay iyadoo Cadaado iyo dhuusamareeb xarumo ka kala dhigtay.

Waxaa harsan qodobada qaar ee shirka Garowe ugu socda shanta Maamul iyo Madaxda Qaranka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version