Wararka Soomaalida
Shirkii madasha Soomaaliya oo ka furmay Muqdisho
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa goordhaweed Muqdisho ka daah furay Shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya ( Somalia Partnership Forum) oo ka socon doono Muqdisho labo maalin.
Shirkan waxaa ka qaybgelaya madaxda Dowlad Goboleedyada iyo wakiilada Beesha caalamka waxaa uu ka dhacayaa Hoolka shirarka ee Afisyooni ee Xerada Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.
Madaxweynaha Puntaland ayaa shirkan qaadacay halka Wasiirka maaliyadda Jubbaland oo shirka lagu casuumay aanu ka qaybgelin maadaama Axmed Madoobe aysan Dowlada aqoonsanayn.
Waa shirka xaadir ku ah oo ku sugan Madaxweyniyaasha Koonfur Galbeed,Hirshabelle iyo Galmudug.
Waa markii ugu horaysay oo shirkan uu ka furmo magaalada Muqdisho waxaa horay loogu qabanjiray Magaalada Brussels ee dalka Belgium.