Wararka Soomaalida

Shirkii Madaxweyne Farmaajo uu ku baaqay oo baaqday

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 19ka bishan April ku dhawaaqay in Magaalada Muqdisho uu ka furmayo shirka Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe si looga hadlayo arrimaha amaanka,dhaqaalaha iyo wada shaqaynta dowlad Goboleedyada Madaxweyniyaashooda iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya. Shirkaas uu ku baaqay Madaxweynaha oo ku beegnaa maanta oo Taariikhda bisha April […]

Published

on

Maxamed Cabdulaahi Farmaajo Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya ayaa 19ka bishan April ku dhawaaqay in Magaalada Muqdisho uu ka furmayo shirka Madaxda Maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe si looga hadlayo arrimaha amaanka,dhaqaalaha iyo wada shaqaynta dowlad Goboleedyada Madaxweyniyaashooda iyo Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya.

Shirkaas uu ku baaqay Madaxweynaha oo ku beegnaa maanta oo Taariikhda bisha April ay tahay 19-4-2019ka ayaa dib udhacay sida muuqata iyadoo Madaxda dowlad Goboleedyada iyo dowladda dhexe midna ilaa hadda aan soo hadal qaadin baaqashadiisa maadaama Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku baaqay in shir wada tashi ah ay iskuuga yimaadaan Magaalada Muqdisho Shanta Madaxweyne ee Maamul Goboleed iyo Madaxdda Soomaaliya.

Shirkan kii ka horeeyey ee asna baaqday ayaa waxaa loo balansanaa inuu kadhaco Magaalada Garowe ee Gobolka Nugaal ee Maamulka Puntland 20 bishii Maarso iyadoo Sababta ubaaqaday aan wali la sheegin xiligaas waxaa markii dambe laga war helay iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu shirka hadda baaqaday ku baaqay in Muqdisho uu ka dhacayo shirka Madaxda Maamulada iyo Dowladda dhexe.

Waa shirkii afaraad ee Madaxweynaha Soomaaliya uu iskuuga yeeray Madaxda Maamulada haddana baaqaday iyadoo aan la sheegaynin sababaha baajinaysa amarka Madaxweynaha.

Labada sano iyo dheeraadka ee dowladda ay jirto shir ay iskuuga yimaadaan Madaxda Maamulada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa uu yahay mid aad uyar waxaana shirka ay iskuuga yimaadeen labo jeer ay ka kala dheceen Muqdisho iyo Baydhabo.

Caqabad ugu weyn ee hadda taagan ayaa waxay tahay isfahanka Madaxda dowladda dhexe iyo Madaxda Maamulada Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version