Wararka Soomaalida
Shirkii shidaalka ee Soomaaliya oo Lodon ka furmay Daawo Sawirada
Magaalada London ee Dalka UK ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii shidaal baarista Soomaaliya oo maal mahaanba qaban qaabadiisa halkaas ka socotay. Shirkaan oo ay soo wada qaban qaabiyeen Wasaarada Batroolka Soomaaliya iyo shirkada Spectrum ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Sahan la xiriira shidaalka gunta badda Soomaaliya oo ay sameysay […]
Magaalada London ee Dalka UK ayaa maanta si rasmi ah uga furmay shirkii shidaal baarista Soomaaliya oo maal mahaanba qaban qaabadiisa halkaas ka socotay.
Shirkaan oo ay soo wada qaban qaabiyeen Wasaarada Batroolka Soomaaliya iyo shirkada Spectrum ayaa ujeedkiisa lagu sheegay in lagu soo bandhigayo Sahan la xiriira shidaalka gunta badda Soomaaliya oo ay sameysay shirkada Spectrum .
Shirka ayaa waxaa sidoo kale loogu talo galay in shirkadaha daneenaya maalgashiga iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya loogu soo bandhigo xogta badan oo la xririirta shidaalka Soomaaliya iyo goobaha laga soo saari karo.
Waxaa Shirka inta uu socdo la filayaa in shirkada Spectrum oo sanadkii 2015-kii ruqsad loo siiyay sahminta shaidaalka Soomaaliya ay soo bandhigto xogta ay xeebaha Soomaaliya ka uruurisay
Waxaa sidoo kale shirkan inta uu socdo shirkadaha daneena mustaqbalka maalgashiga shidaalka Soomaaliya lala socodsinayaa xogta shidaalka Soomaaliya si ay maalgashi balaaran ugu sameeyaan.
Masuuliyiin ka qeyb galeysa shirka ayaa shegay in aysan jirin wax heshiis ah oo shirkado lala galayo iyo sidoo kale leesin ama ruqsad la bixinayo, waxa ayna masuuliyiintan sheegeen in ujeedku yahay kaliya in xogta shidaalka Soomaaliya lasoo bandhigo.
”Shirka kaliya waxaa lagu soo bandhigayaa xogta shidaalka Soomaaliya, ma jiri doono wax heshiis aha ruqsad shirkado la siinayo, shirkaduhu xog aysan ogeyn heshiis kama geli karaan ,marka ay xogta helaan waxa ay qaadaneysaa sanad iyo ka badan in ruqsad ama leesin la bixiyo ”Ayuu yiri masuul ka qeyb galaya shirka.
Shirkan ka furmay magaalada London ayaa horey looga faafiyay warar aan jirin oo sheegayay in lagu xaraashayo shidaalka Soomaaliya, waxaana shirkan hada furmay kaliya la sheegay in lagu soo bandhigi doono xogta Shidaalka dalkeena.