Wararka Soomaalida

Siciid deni oo dib loo celiyay

Published

on

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in diyaaradii Boosaaso ka soo qaaday Siciid Cadullaahi Deni Madaxweynaha maamulka Puntland dib loogu celiyay garowe ka dib markii duuliyaha diyaarada lagu amray inuu dib uceliyo.

Siciid Deni iyo qaar ka mid ah mucaaradka Puntland ku sugan ayaa doonayay inay aadaan Kismaayo ujeedkooda ahaa ka qayb galka Munaasabada Axmed Madoobe waxaana amarka dib loogu celiyay Garowe bixisay dowladda federaalka Soomaaliya.

Sababtan ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii siciid Deni uu diiday inuu aqbalo dalabka dowladda ee ah inuu ka baaqsado taageerada Axmed Madoobe iyo inuu joojiyo mucaaradnimada dowladda.

Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa safarka ku weheliyay Senator Faroole iyo qaar kale oo Xildhibaano ah.

Trending

Exit mobile version