Wararka Soomaalida
Sirdoonka Soomaaliya oo gacanta ku soo dhigay sarkaal Al shabaab ah
Howlgal ka dhacay deegaanka Ceelashaha biyaha ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa lagu soo qabtay Sarkaal sare oo mid ahaa amniyaadka Al shabaab. Howlgalkaas ayaa waxaa sameeyey Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA waxayna ka soo qabteen Guri ku yaala Ceelasha biyaha xili NISA ay heshay warbixin ku saabsan sarkaalkaas. “Howlgal aan cidi wax […]
Howlgal ka dhacay deegaanka Ceelashaha biyaha ee Gobolka Shabeelada hoose ayaa waxaa lagu soo qabtay Sarkaal sare oo mid ahaa amniyaadka Al shabaab.
Howlgalkaas ayaa waxaa sameeyey Ciidanka Nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee NISA waxayna ka soo qabteen Guri ku yaala Ceelasha biyaha xili NISA ay heshay warbixin ku saabsan sarkaalkaas.
“Howlgal aan cidi wax ku noqon oo ciidanka amnigu ka fuliyay Ceelasha Biyaha ayaa waxaa lagu soo qabtay howlwadeen Amniyaadka Alshabaab ka tirsan. Saraakiisha amniga ayaa ku haya baaritaan la xariira howlaha gurracan ee uu ku jiray”ayaa lagu yiri Warkan ka soo baxay Hay, adda NISA.
Warbixinta NISA lagu masheegin Magaca ninka ay soo qabteen.