Wararka Soomaalida
Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si xasaasi ah uga hadlay dhacdadii ku qabsatay Garowe
Gudoomiyaha Xibiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay loo diiday in khudbad uu ka jeediyo xafladii caleemo saarka Madaxda cusub ee Puntland ayaa caawa ka hadlay cida amarka looga reebay hadal jeedinta ka soo baxday. Siyaasiga mucaaradka ku ah Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya Cabdiracmaan Cabdishakuur oo Wareysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta ka […]
Gudoomiyaha Xibiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo xalay loo diiday in khudbad uu ka jeediyo xafladii caleemo saarka Madaxda cusub ee Puntland ayaa caawa ka hadlay cida amarka looga reebay hadal jeedinta ka soo baxday.
Siyaasiga mucaaradka ku ah Madaxda Dowladda dhexe ee Soomaaliya Cabdiracmaan Cabdishakuur oo Wareysi siiyey qaar ka mid ah Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Maamulka Puntland ayaa sheegay amarka looga joojiyey khudbadii uu ku lahaa xaflada caleemo Saarka Madaxda Puntland ay bixisay Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya amarkaas oo yimid kagadaal markii uu ka soo degay Garowe.
Siyaasigan ayaa intaas ku daray in arrinta ku saabsan Khudbada uu ka jeedin lahaa xafadla ay taagneyd labo maalmood ilaa markii dambe laga dooransiiyey shuruudna looga dhigay khudbadiisa iyo ka soo qeyb galka xaflad Madaxda dowladda gederaalka wuxuuna intaas raaciyey in ay ku noqotay wax lala yaabo.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxaa kaloo uu sheegay in xaflada caleemo saarka ay uga soo qeyb galeen oo kaliya in ay u hambalyeeyaan Madaxweynaha cusub ee Puntland aysan qorshaha ugu jirin inuu dowladda federaalka ka dhaleeceeyo xaflada balse wuxuu sheegay in taas bedelkeeda Madaxda Villa Somaliya siyaasadeeyeen khudbadii uu ka jeedin lahaa Madasha la,iskuuga yimid.
Wuxuu intaas hadalkiisa ku daray Siyaasiga markii uu ka soo degayey garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe xataa loo diiday taageerayaasha xisbigiisa oo watay boorar iyo sawiro in asaga ku soo dhoweeyaan Garowe iyadoo marmarsiiyo laga dhigay in aan la ogoleyn arrimo ka baxsan xaflada caleemo saarka,balse taas bedelkeeda Madaxweyne Farmaajo loo soo dhoweeyey sidii nin ku jira olole doorasho oo kale ayna jireen dad ku soo lebistay funaanado ay ku dhegan yihiin sawirka Madaxweynaha,arintaas ayuu ku tilmaamay siyaasiga mid ka baxsan hab maamuuskii loogu talo galay soo dhoweynta caadiga ah ee Madaxweynaha.
Siyaasigan mucaaradka ku ah Madaxda talada dalka haysa ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxtooyadaba ku eedeeyey in ay shaqo ka dhigteen dabagalka iyo hagardaamada ay ku hayaan xisbiga Wadajir iyo hoggaankiisa wuxuu xusay in sababta sidaas looyeelayo ay tahay ka dib doorkii uu ku lahaa in la rido Farmaajo sannadkii 2011 markii uu ahaa Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ee xiligaas loo bixiyey magaca ah Kampala Accord.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame marlaweydiiyey su,aal ahayd waxa ka jira in uu ku xiran yahay wadamo shi,sheeye ayaa arinta laweydiiyey mar uu jawaab ka bixinayey wuxuu beeniyey in wax xiriir hoose ah oo uu la leeyahay dowlado shisheeye aaney jirin waxaa kaloo uu tilmaamay eedeymaha noocaas ah ee asaga had iyo jeer loo jeedinayo ay yihiin kuwo lagu baneysanayo ku xadgudub iyo dhaawaca karaamadiisa shaqsiyadeed ee dhinaca barnaamij siyaasadeedkiisa.