Wararka Soomaalida

Siyaasiga CC Warsame oo cafis weydiistay Culimada Soomaaliya

Published

on

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo dhawaan khudbad uu ka jeediyay dalka Jarmalka oo Khudbadaasi dhalisay buuq iyo in xataa asaga lagu tilmaamay in diinta Islaamka uu ka baxay oo gaaloobay ayaa wuxuu Culimada Soomaaliyeed ka codsaday inay iska cafiyaan isagana uu cafiyay cid kasta oo wax ka sheegtay sidoo kale Alle uu waydiisanayo inuu ka faciyo wixii khalad ah ee uu diinta ka galay.

Raali gelinta uu bixiyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame in kastoo uusan afka ku balaarin in diinta Islaamka uu ugefay ayaa haddana wuxuu Alle waydiistay inuu cafiyo una dhiganta wixii khalad ah ee uu galay in Alle ka cafiyo.

Khudbadaasoo ahayd mid uu kaga hadlay arimaha Dumarka iyo doorka siyaasada ayaa wuxuu sheegay in Culimada Soomaaliyeed Xadiisyo Faalso ah iyo Kitaabo been ah Dumarka ay ugu hor istaagaan in Dumarka door muuqda ku lahaadaan Siyaasadda Soomaaliya.

Hadalkaas markii uu jeediyay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa waxaa ka falceliyay Culimada Soomaaliya iyadoo intii arimahaas ka hadashayba Siyaasiga ku sheegay inuu gaaloobay oo diinta islaamka uu ka baxay uguna baaqay inuu ka towbad keeno.

“Waxaan Alle waydiisanayaa cafis waxaan cafiyey culimadii igu xadgudubtay waxaan waydiisanayaa cafis cid walba oo wax iga tabanaysa waxaan ku baaqayaa in dooddii iyo falceliskii ka dhashay khudbadii aan Jarmal ka jeediyey halkaa ku soo idlaato”ayuu yiri siyaasiga Culimada wali ku dhegan ee Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ilaa hadda ku dhiiran-la inuu yimaado magaalada Muqdisho tan iyo markii culimada Soomaliya ay soo jeediyeen in Cabdiraxmaan uu kufriyay ka dib markii uu beeniyay Xadiiska Nabi Maxamed HSW ka sugnaatay wuxuuna ku sugan yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Trending

Exit mobile version