Wararka Soomaalida

Siyaasiga Faarax Macalin oo weeraray Axmed Madoobe

Siyaasiga la yiraahdo Faarax Macalin Dawaare kana soo jeeda Gobolka Soomaalida degto ee NFD ee Kenya ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) wuxuuna ugu baaqay Axmed Madoobe inuu raaco wadadii ay qaadeen saaxiibadiisii ka horeeyay ee Koonfur Galbeed iyo Puntland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Maxamed Cali […]

Published

on

Siyaasiga la yiraahdo Faarax Macalin Dawaare kana soo jeeda Gobolka Soomaalida degto ee NFD ee Kenya ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) wuxuuna ugu baaqay Axmed Madoobe inuu raaco wadadii ay qaadeen saaxiibadiisii ka horeeyay ee Koonfur Galbeed iyo Puntland Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas deegaanada Jubbaland Axmed Madoobe hadda laga rebin islamarkaana uga dhamaatay.

Siyaasigan ayaa sheegay inay dhamaatay xiligii shacabka loogu hanjebi jiray hogaamiye kooxeed iyo Muuriyaanimo balse lajoogo waqti dadka wax garteen oo kan wax utaraya iyo beenlowga dantiisa kaliya ka fikira ay kala ogyihiin.

Faarax Macalin oo si weyn u taageersan in isbedel cusub uu ku yimaado hogaanka Maamulka Jubbaland ayaa qoraalo soo dhigay baraha bulshada kuna sheegay in dadka qabiil ahaan ku taageera Axmed Madoobe ay ka soo kala jeedaan magaalada Gaarisa, Itoobiya iyo Qurbe-joog wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay doorashada dhowaan ka dhaceysa Jubbaland haddii Axmed Madoobe laga saarin Musharaxnimadiisa.

Siyaasiga Faarax Macalin Dawaare ayaa Wuxuu sheegay in dadka degaan ahaan u leh Jubbaland uu xoog ku heysto Axmed Madoobe wuxuuna Axmed Madoobe ku tilmaamay nin aan caqli lahayn oo mar kasta ku celinaya khalad uu hore u galay.

“Soomaaliya waxaa la degay muddo 40 sanadood ah hoggaamiye kooxeedyo aan aqoon lahayn oo afduubtay beelahooda dabadhilifyadii Tigreega waa kii ugu danbeeyay Axmed Madoobe waa inuu raacaa saxiibadiisii Sakiin iyo Gaas”ayuu yiri Faarax Macalin oo weerar aan hore loo arag ku qaaday Axmed Madoobe oo mar kale doonaya in loo doorto Madaxweynaha Jubbaland 4 sano ee soo socota.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version