Wararka Soomaalida
Siyaasiga Fartaag oo ka mid noqday Musharaxiinta Jubbaland
Cabdirisaaq Fartaag oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed horayna usoo noqday Wasiirka Maaliyadda xiligii Ra’iisul wasaaraha uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sanadkii 2012kii ayaa hadda waxaa uu ka mid yahay Musharaxiinta utaagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland sida uu baahiyey Wargayska The standard. Cabdirisaaq Fartaag ayaa lagu xasuustaa sidii ula dagaalamay musuq […]
Cabdirisaaq Fartaag oo ka mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed horayna usoo noqday Wasiirka Maaliyadda xiligii Ra’iisul wasaaraha uu ahaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo sanadkii 2012kii ayaa hadda waxaa uu ka mid yahay Musharaxiinta utaagan Xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland sida uu baahiyey Wargayska The standard.
Cabdirisaaq Fartaag ayaa lagu xasuustaa sidii ula dagaalamay musuq maasuqa xiligii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya xiligii Madaxweyne Farmaajo uu ra,iisul wasaaraha uu ahaa sida lagu qoray Wargayska baahiyey Warkan.
Fartaag ayaa waxaa uu sheegay haddii loo doorto xilka Madaxweynaha Maamulka Jubbaland in wax badan uu ka qaban doono arrimaha Musuq maasuqa ee hadda ka jira Maamulka Jubbaland.
Cabdirisaaq Fartaag ayaa waxaa uu ka mid yahay shaqsiyaad yar oo ka mid ah Soomaaliya ee naceb arrimaha musuq maasuqa waxaana tusaale loo soo qaatay Yusur Abrar oo Madax ka ahayd Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo doorkii wacnaa ee la dagaalanka Musuq maasuqa ay ka Ciyaartay sanadihii 2015 iyo 2016kii.