Wararka Soomaalida

Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Dowladda dhexe oo la sheegay in lagu casuumay Caleema-Saarka Madaxweynaha Puntland Siciid Deni

Warar soo baxaya oo uu si hoose u helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Putland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni uu ku casuumay Caleema-Saarkiisa Siyaasiyiinta sida xoogga leh umucaaradsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo Siyaasiyiintaas ay ku jiraan kuwo horay dalkan usoo hogaamiyey iyo kuwo heer Wasiir ka soo noqday Soomaaliya. Waxaana […]

Published

on

Warar soo baxaya oo uu si hoose u helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegaya in Madaxweynaha Maamulka Putland Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni uu ku casuumay Caleema-Saarkiisa Siyaasiyiinta sida xoogga leh umucaaradsan Dowladda dhexe ee Soomaaliya iyadoo Siyaasiyiintaas ay ku jiraan kuwo horay dalkan usoo hogaamiyey iyo kuwo heer Wasiir ka soo noqday Soomaaliya.

Waxaana ka mid ah Siyaasiyiintaas lagu casuumay Caleema-saarka Siciid Deni.

1-Madaweynihii hore ee somaliya Xassan Sheekh Maxamud

2-Madaxweynihii hore ee somaaliya Shariif Sheekh Axmed

3-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf

4-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe)

5-MadaxweynahaIsmaamulka Soomaalida ee dhulka Itoobiya Mustafa Muxumad Cumar (Cagjar)

Waxaa kaloo Xafladaas Siyaasiyiinta Mucaaradka ah ee la Casuumay ka mid ah hogaamiyaha xisbiga wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame.

dhamaan Siyaasiyiintan ayaa ah kuwo ka soo hor jeeda Madaxda federaalka ee hadda talada wadanka gacanta ugu jirta,markii laga reebo Mustafa Cagjar Madaxweynaha Killinka shanaad.

Dhinaca kale Madaxda Dowladda federaalka Soomaaliya waxaa lagu casuumay Xafladaas Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hayeeshee waxaa xusid mudan in usan ka qeyb gali doonin Caleema-saarka Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntaland Siciid Cabdulaahi Deni.

Xog uu helay Wargayska Tusmotimes Xafiiska Muqdisho ayaa sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu hakiyey safarkiis Garoowe ee uu kaga qayb galilahaa Caleema-Saarka Siciid Deni sababo la xiriira Mucaaradka uu lagu casuumay munaasabadda kana qayb galaya Xafladaas awgeed.

Sikastaba ha,ahaatee Siciid Cabdulaahi Maxamed Deni Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in 26 bishan January ee aan ku gudajirno loo Caleemo-Saaro xilkii loo doortay 8-dii bishan sii dhamaanaysa ee January 2019ka.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version