Wararka Soomaalida

Siyaasiyiinta Geedi iyo Jeele oo si adag uga hadlay Shariif iyo Xasan

Published

on

Ka dib markii xalay Muqdisho ay kaga dhawaaqeen dagaal ka dhan ah madaxda dowladda federaalka Soomaaliya Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa arunkaas ka falceliyay Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeele ka dib shirar jaraa’id oo kala gooni ah maanta ay ku qabteen magaalada Muqdisho.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof.Cali Maxamed Geedi ayaa ugu baaqay Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya inay ilaaliyaan sharciga dalka iyo xasiloonida shacabka Soomalaiyeed ayna ka daayaan ereyada kicinta ah ee ay isticmaalaan markasta oo ay la hadlayaan Saxaafadda.

Cali Maxamed Geedi ayaa sidoo kale Madaxweynihii hore ka codsaday in sharaftooda ay ilaaliyaan dalkana dib ugu celin dhibaatooyinkii 28 sano la soo maray ayna uturaan maatada Soomaaliyeed wixii gef ahaa ee xalay ka dhacayna ka raali geliyaan shacabka Soomaliyeed ee ilaa hadda ka niyadjabsan hadaladii dagaalka ahaa ee ay ku dhawaaqeen Shariif iyo Xasan.

Si lamid ah Prof cali Maxamed Geedi waxaa asna Muqdisho shir ku qabtay Siyaasiga Salaad Cali Jeele wuxuuna sheegay faa’iido iyo khasaaro dagaal wixii laga dhaxlay in qofkasta oo Soomaaliyeed uu og yahay sidaas darteed wuxuu faray Madaxweyniyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed inay ilaaliyaan sharafka Soomaaliyeed iyo sharafkooda.

Salaad Cali Jeele ayaa usheegay Madaxweyniyaashii hore in shuruucda dalka uhogaansamaan oo shacabka ay ka daayaan hanjabaada ah in dalka dib ugu celinayaan sidii sanadkii 1991-kii dagaaladii sokeeye ee dalkan bur buriyay.

Siyaasigan Salaad Cali Jeele ayaa intaas hadalkiisa wuxuu ku daray in marnaba raali laga noqon karin in shacabkan loo horseedo dhibaatooyinkii ay ka soo gudbeen in dib loogu celiyo iyadoo qaabkaas xil lagu raadinayo.

Siyaasiyiintan Prof Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeele ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inaysan uhogaansamin hadalada xanafta leh ee ay jeediyaan Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayna garab istaagaan dowladooda ee hadda jirta meelna ugu soo wada jeestaan kuwa doonaya in dalkan dib ugu celiaan dagaal,bur bur iyo qax.

Hadaladii xalay ka soo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa wax laga xumaado ku tilmaamay siyaasiyiin,culimo,aqoonyahano iyo bulshada qeebaheeda kala duwan ee ku nool Magaalada Muqdisho iyagoo ujeediyay mas’uuliyiintaas hore in hadaladooda xanafta leh raali gelin ka siiyaan shacabka Soomaaliyeed ee ka argagaxay dagaalka ay ku dhawaaqeen.

Trending

Exit mobile version