Wararka Soomaalida

Siyaasiyiintii ka qayb galay munaasabadii Kismaayo oo sagootin loo sameeyay

Published

on

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka weli diidan yihiin doorashadii uu ku soo baxay ayaa maanta duleedka magaalada Kismaayo marti qaad ugu sameeyay martidii ka qaybgashay Munaasabadii Caleemo saarkiisa.

Siyaasiyiintaas ayaa waxaa ka mid ah laba Madaxweyne hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed,laba Madaxweyne hore ee Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan Cabdikariim Xuseen Guuleed, Xidhibaano labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya katirsan,Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni iyo wafdi ka socda dowladda Kenya oo uu horboodayay Xilshibaan Aadan Barre Ducaale.

Munaasabada sagootinta ah ee ka dhacday duleedka Kismaayo ayaa ujeedjeeda wuxuu ahaa mid sagootin ah oo lagu sagootinayay mas,uuliyiintan ee goobo kala duwan iskiiga kala yimid munaasabadii Axmed Madoobe lagu caleema saarayay.

Dhinaca kale isla wafdigaas ayaa caawa waxaa markale xaflad sagootin ah loogu sameeyay madaxtooyada Maamulka Jubbaland ee magaalada Kismaayo iyadoo dhamaan wufuuda xaadir ku wada ahaayeen hoolka loogu talagalay munaasabadaasi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in munaasabadaasi Siyaasiyiinta ay kala qayb galeen qaar ka mid ah bulshada Kismaayo ku nool gaar ahaan kuwa la dhacsan siyaasada Axmed Madoobe uu wax ku maamulay.

Munaasabadan caawa lagu qabtay guriga martida ee Jubbaland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Axmed Maxamed (Axmed Madoobe) waxaana halkaas markale laga jeediyay khudbado kala duwan oo siweyn loogu weeraray madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda xilka hayaya iyadoo lagu wado in maalinta bari ah wufuudan ku kala laabtaan Magaalooyinka Muqdisho,Garoowe iyo Nairobi inkastoo badan kood ka kala tageen Muqdisho iyo Garowe.

Trending

Exit mobile version