News & Politics
Soomaali sharciga TPS-ka haysta oo dacwad ka gudbiyay maamulka Trump
BOSTON – Soomaali sharciga TPS-ka haysta iyo ha’yado u dooda xuquuqda dadka muhaajiriinta ah ayaa dacwad ka gudbiyay maxkamad federaal ah oo ku taala magaaladda Boston si ay u difaacaan kumannaan qof oo Soomaali ah oo ku nool Maraykanka kuwaas oo halis ugu jira in laga masaafuriyo dalka.
Dacwadda waxaa gudbiyay Ha’yaddaha African Communities Together (ACT) iyo Partnership for the Advancement of New Americans (PANA), saddex qof oo Soomaali ah oo haysta TPS (Temporary Protected Status) iyo hal qof oo codsaday TPS. Dacwaddan oo shalay la shaaciyay ayaa waxaa laga gudbiyay maxkamad ku taalla magaaladda Boston ee gobolka Massachusetts.
TPS-ka ayaa ah barnaamij sharci ku-meel-gaadh ah oo ku salaysan bani’aadamnimo oo ay dowladda Maraykanku siiso dadka magangalyo doonka ah ee ka yimid dalalka ay ka jiraan dagaallo, masiibooyin ama xaalado aad u adag. Barnaamijkani wuxuu u oggolaanayaa dadka inay si ku-meel-gaar ah ugu noolaadaan Maraykanka ogana shaqeystaan.
Maamulka Donald Trump ayaa go’aansaday in la joojiyo TPS-ka Soomaaliya, waxaana la qorsheeyay in go’aankaasi dhaqan galo 17-ka Maarso 2026. Haddii taasi dhacdo, kumannaan qof oo Soomaali ah ayaa lumin kara sharciyadooda, shaqadooda, waxayna halis ugu jiri karaan in la masaafuriyo.
Dadka dacwadda gudbiyay waxay sheegayaan in Soomaaliya weli ay ka jiraan colaado, khatar ka imaanaysa Al-Shabaab, barakac ballaaran, abaaro, cunto yari iyo dhibaato bani’aadamnimo. Sidaas darteed waxay ku dacwoonayaan in aan dadka lagu celin karin dalka xilligan oo weli marxaladihii ku kalifay dadkan in ay magan-galyo weydiistaan dalka Mareykanka ay weli jiraan. Ha’yaddaha taageeraya dacwadda waxay sheegeen in joojinta TPS ay kala geyso qoysas, waalidiinna laga yaabo in laga fogeeyo carruurtooda, dadka qaarna lagu celiyo meel aan ammaan ahayn oo naftooda halis galayso.
Waxay sidoo kale ku eedeeyeen maamulka Trump in go’aankan uu qayb ka yahay siyaasad ballaaran oo TPS looga joojinayo dalal badan oo ka tirsan Afrika, Aasiya, Kariibiyaanka iyo Bariga Dhexe. Dacwaddan waxay doonaysaa in maxkamaddu dib u dhigto ama joojiso go’aanka lagu joojinayo TPS-ka ay haystaan dadka Soomaalida ah ee la filayo in ay dhaqan gasho 17-ka Maarso oo ku aadn Talaadadda soo socota, si Soomaalida ku nool Maraykanku aysan u lumin sharciyadda ku meel-gaadhka ah ee ay hadda haystaan.