Wararka Soomaalida
Soomaaliland oo Sarkaal ugacangaliyay Dowlad deegaanka Somali State
Ciidamada amniga Soomaaliland ayaa xalay Magaalada Hargeysa xaafad ka mid ah ka soo qabtay Korneyl Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane oo ka mid ahaa saraakiishii sirdoonka maamulkii Cabdi Muxumed Cumar Cabdi Iley ka dib markii ay ka war heleen in sarkaalkaas uu soo galay Hargeysa kuna dhuumanayo xaafadda laga soo xiray.
Ciidamada amniga Soomaaliland ayaa Sarkaal Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane ku xiray xabsi ku yaalla magaalada Hargeysa ka dibna saaka u gacangaliyay kuna wareejiyay madaxda dowlad Degaanka Soomaalida Ethiopia sida aan wararka ku helnay wuxuuna sarkalkan uu ka mid yahay dhowr Sarkaal oo baxsada ahaa laguna raadjoogay.
Sarkaalkan hadda Soomaaliland ay ugacangaliyeen Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa in muddo ah waxaa baadi goob ugu jiray sirdoonka Maamulka dowlad deegaanka Soomaali State ee hogaamiyaha uu ka yahay Musatafe Muxumed Cumar Cagjar ka dib markii Korneyl Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane uu ka baxsaday dhulka Soomaali State ka dib xarigii Madaxweynihii ismaamulkaas Cabdi Iley xabsiga la dhigay.
Korneyl Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane ayaa waxaa loo haystaa in uu gaystay dambiyo ka dhan ah xuquuqda aadamaha kaasoo uu galay intii xukunka uu hayay Cabdi Ileyga hadda ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Ethiopia.
Qabashada Korneyl Mukhtaar Sheekh Maxamed Suubane iyo wareejintiisa ayaa ku soo beegmaysa xili dhowaan magaala madaxda dowlad deegaanka Soomaali State shir dheer ay ku yeesheen Taliyaha Ciidanka Soomaaliland iyo Madaxweynaha ismaamulka Soomaali State Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyagoo kulankooda ka dib sheegay inay ku heshiiyeen wada shaqayn dhan walba ah.