Wararka Soomaalida
Soomaaliland oo war ka soo saartay xayiraadii laga qaaday Xoolaha
Maamulka Soomaaliland ayaa Dowladda Sacuudi Carabiya ugu hanjabay in xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera aysan mowsimka Xajka ee sanadkan u diri doonin Sucuudiga. Go’aanka ayey Somaliland sheegtay in uu ka dhashay warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xajka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. […]
Maamulka Soomaaliland ayaa Dowladda Sacuudi Carabiya ugu hanjabay in xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera aysan mowsimka Xajka ee sanadkan u diri doonin Sucuudiga.
Go’aanka ayey Somaliland sheegtay in uu ka dhashay warqad ay Dowladda Sacuudiga u dirtay Somaliland uguna sheegtay in warqadda caafimaadka Xoolaha sanadkan ee Xajka ay bixineyso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Wasiirka Xannaada Xoolaha Somaliland ayaa sheegay in wali warqad ay dowladda Federaalka ah dirtay aan xoolo looga dhoofin Somaliland hadda kaddibna aysan dhaceyn.
Waxaa uu intaas ku daray in haddii dowladda Sacuudiga ay ku adkeysato go’aankeeda ay Somaliland heysan doonto xoolaha laga dhoofiyo Dekadda Magaalada Berbera.
Xoolaha Mowsimka Xajka laga dhoofiyo Dekadda Berbera ayaa laga keenaa guud ahaan Dhulka Soomaalida,waxaana laga wada dhoofiyaa Dekadda Berbera.
La oga sida ay dowladda Sucuudiga uga warcelin doonto hadalka Somaliland iyada oo dhinaca kalena Dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya aysan ka hadlin go’aanka Sucuudiga iyo midka Somaliland.