Wararka Soomaalida

Soomaaliland oo warqad dacwo kadhan ah Dowladda federaalka Soomaaliya udiray Golaha amaanka ee QM

Sida maanta uu daabacay Wargayska DAILY NATION ayaa waxaa warqad dacwo kadhan ah Dowladda federaalka Soomaaliya udiray Golaha amaanka ee QM Maamulka Soomaaliland. Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in Soomaaliland ay dooneyso in hadda kadib laga fiirsado aadna looga feejignaado in qalab milatari loogu deeqo ama laga […]

Published

on

Sida maanta uu daabacay Wargayska DAILY NATION ayaa waxaa warqad dacwo kadhan ah Dowladda federaalka Soomaaliya udiray Golaha amaanka ee QM Maamulka Soomaaliland.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) ayaa sheegay in Soomaaliland ay dooneyso in hadda kadib laga fiirsado aadna looga feejignaado in qalab milatari loogu deeqo ama laga iibiyo dowladda federaalka  ah ee Soomaaliya.

Warqad uu qoray Wasiirkan Maamulka Soomaaliland u qaabilsan arrimaha dibadda mudane Faratoon ayaa wuxuu udiray Madaxweynaha Golaha ammaanka ee QM Francisco Antonio Cortorreal wuxuuna sheegay wasiirka arrimaha dibedda ee Maamulka Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) in Golaha amaanka ay uga dacwoodeen Gawaarida gaashaaman ee dhowaan Dowladda Qatar ay ugu deeqday dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Mar uu soo hadal qaaday arimaha dayaca hubka iyo Ciidanka Dowladda federaalka iyo Al shabaab ayaa Wasiir Faratoon waxaa uu sheegay in leexinta hubka dowladda Soomaaliya ee kooxaha argagixisada iyo kuwa dambiilayasha ah,ha noqoto ku talo-gal ama dayac ay xadgudub ku tahay xayiraadda hubka ee QM ay saartay Soomaaliya islamar kaana halis amni ku tahay arimahan Maamulkooda ee Somaliland iyo dalalka deriska la,ah Soomaaliya.

Wuxuuna yiri “Xadgudubyo lagu sameeyo qaraarka golaha ammaanka waxay dhalin doontaa dagaal daba dheeraada oo cawaaqib reeba Soomaaliya, waxayna hurin doontaa xasilooni darro ka dhacda gobolka oo iyaguna ay dhabaato ku tahay”

Wasiir Faratoon waxaa kaloo uu sheegay in qaraarka QM ee tirsigiisu uu yahay 2444 uu diidayo in la leexiyo qalabka milatari, Waxaan uu sheegay in hubka Soomaaliya uu inta badan ku dhammaado gacmaha kooxaha Daacish iyo Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaalama.

Hadalkan ka soo yeeray Maamulka Soomaaliland iyo Warqada dacwada ah ee ay udireen Golaha amaanka ee QM ayaa wuxuu imaanayaa ka dib weerarkii ka dhacay Hotelka DusitD2 ee Nairobi lagu sheegay in lagu weeraray hub ay horay u iibsatay Dowladda federaalka Soomaaliya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version