Wararka Soomaalida

Soomaaliya iyo Masar oo heshiis cusub Gaaray

Published

on

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa maanta oo Khamiis ah kula kulmay Magaalada Aswan dhiggiisa dalka Masar Sameh Shukry waxayna ka wadahadleen xiriirka laba geesoodka iyo qaabkii lagu xoojin lahaa xuriirka labada dowladood.

Labada wasiir ayaa waxa ay isla fallanqeeyeen muhiimadda ay leedahay hore u dhaqaajinta geedi socodka wadajirka ah ee lagu horumarinayo iskaashiga dhinacyada badan leh ee u adeegaya dano wadaagga laba dal ee walaalaha ah iyadoo sidoo kale kulanka la iskula eegay arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dhinac ay danaynayaan.

Axmed Ciise Cawad wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa wuxuu ka mid yahay wagdiga uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ee dalka Masar gaar ahaan magaalada Aswan kaga qeyb galay shirka Madasha Aswan FORUM.

Trending

Exit mobile version