Wararka Soomaalida

Soomaaliya iyo Masar oo heshiis wada gaaray+sawiro

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry waxayna ka wada hadleen arrimaha labada dal. Wadahadalka ayaa intabadan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u […]

Published

on

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Magaalada Qaahira ee dalka Masar kula kulmay Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Sameh Shoukry waxayna ka wada hadleen arrimaha labada dal.

Wadahadalka ayaa intabadan diiradda lagu saarray xiriirka walaalnimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Masar iyo habkii lagu xoojin lahaa, laguna horumarin lahaa dhinac waliba oo u adeegaya danaha labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah, waxa ayna is dhaafsadeen aragtiyadooda dhacdooyinka iyo horumarka gobolka iyo dunida.

Kadib markii uu idlaaday wadahadalka ballaaran, waxaa saxiixa lagu duugay seddex heshiis is afgarad oo ay ka mid yihiin abuuridda hab wadatashi siyaasadeed oo heer wasiir arrimo dibadeed oo labada dal ah, yagleelidda guddi wadaag ah oo ay hoggaamiyaan labada wasiir arrimo dibadeed iyo iskaashiga labada machad ee daraasaadka diblomaasiyadda Soomaaliya iyo Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Trending

Exit mobile version